Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SHEEG HADAAD GARATO

Recommended Posts

SHIINKIISA GABAY WAANIGII SHAACIR KU AHAAYE

KOLKII UU SHAYO WADA FOOL XUN IYO SHUUQ KA BIXI WAAYAY

SHIB INTOON KA IDHI WAANIGAAN SHA KA CELINAYNE

 

DAD UUN BAA I SHIIDAYEE WAKHTIGAN MABA SHU'AYSTEENE

MAR HADII UU SHAWLAAN DHAC IYO SHII KA BIXIWAAYAY

MAANTABA TIXDAAN SHAABAHAY AYAAN SHIISHKA KU HAYAAYE

NINKII SHAACIR AHI HA II AKHRIYO SHARAXA HOOS YAALLA

 

HADDI SHIDHE LAGUU QALO ADOO GAAJO SHIDANAAYA

ASEE SHAY XANUUNI KU HAYN SHARAC ALLEE MEELNA

OONAD HILIBKII SHIILAA CUNAYN SHEEG HADAAD GARATO?

 

SHAYADAN ILAAHAY KHALQAY EE CIIDA LAGU SHUUMAY

EE SHAY LABOOD IYO DHIDIG AH SHEEDA KA ARKAYSO

EE SHUQULKU LABAN LAAB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

BAHAL SHEED WAX KAGA BOODA OO NAQAS KU SHUUKEEYA

IYO SHAYGA LAB EE MAALIN DHALA SHEEG HADAAD GARATO?

 

KALUUNKUBA BADAA SHIIDANBUU XILO KU SHUUMAAYE

SIDA DHASHIISU UGA SHAAC BAXDO SHEEG HADAAD GARATO?

 

ADUUNYADU SHARBAY SOO WADA MARTIYO SHAY DHIBAATO AHE

SHIDO MAALINTAY UGU DARAYD SHEEG HADAAD GARATO?

 

BAQASHABA SHADH GEENYAA DHASHAY IYO SHAY DAMEERO AHE

WAXA SHARAC ALLEE UBADKA KA DHABAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

WARARKEENII SHAAN SHAAN TEGAY EE SHEEDA KA IFTIIMAY

WAXA MAANTA SHIIDA U BEDELAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

SHAN MALYUUN HALKAY GLIJIREEN WAXA SHAASHEEYAY

EE MAANTA LOO WADA SHIB YAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

CAASHAQAAN SHIFADA MOODAYAY EE SHAASHO NAGU REEBAY

EE SHANABYO AAR NAGA DHEX GALAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

NINKA LABADA SHEY EEBAHAY SHAARAC UGA YEELAY

HADII MAWDKU SHEEBAHA DUL DHIGO OOY SHALAY KA LEEXAYSO

NINKA MAYDHIGIISA SHIRABI LAHAA SHEEG HADAAD GARATO?

 

WELI EEBAHAY SHUUMAY OO DIINTA KALA SHIILAY

OON SHIDAADO IYO QISAAS SHAYNA LAGU HAYSAN

OO SHIDHANA LOO SOO QABSADAY SHEEG HADAAD GARATO ?

 

GABADH DHEGAHA LAGA SHIIDAYOO QURUXNA SHEEGSHEEG AH

OON INDHAHA SHAYNA ARKAYN, WELINA SOO SHEEGAN

HADDII GUURKU WAA SHAY JIREE, INAN LA SHEEKAYSTO

SIDA MEHERKA SHEEKHU U AKHRIYI SHEEG HADAAD GARATO?

 

INANTII SHAMSADA IYO DAYAXA SHARAF LA MOODAAYAY

SHABAD QURUXSAN TIIYO AH, OO UUNKU WADA SHEEGAY

GOORTUU SHABEELKII HELAY EE WARISNA SHAASHAWDAY

SHANBAA LAGU MUQUUNSHAYE, WAKHTIGU UMA SHIFAYSNAYNE

SHANSHADEEDA BAHALKII JABSHAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

WAXA NABADA SHAKAMADA U JARAY EE SHALAWGA RAACSIIYAY

EE BEEN SHAMIISKA U GESHAY UU NACAB U SHEEKEEYAY

EE TALADU SHURUN-SHUUR LA TAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

SHIR MAROODI SABABTUU ATOOR UGA DHEX SHEEKEEYAY

EE GUURTIDII UGA SHIKIDAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

SHAADALI IYO KHAAMIRI AYAAD SHAAH U BIXISAANE

WAXA LA ISKU SOO SHUBAY FURQAAN SHARAXYADEEDIIYE

SHAFKA WAXAAN KU HAYSTAA WARSHADO SHUBAYA NAABAALE

SHEEKADU HALKAY DAARANTAHAY SHEEG HADAAD GARATO?

 

AFARTAA SHA'DA IYO WAWGA IYO SHIIN MA KA HIGAADSHAY

MA SHIRABAY IRMAAN MA U SHAF DHIGAY SHAADHNA U GELIYAY

KOLKUU BADAWGU SOO WADA SHUQ YIDHI SHII MAKAGA OODAY.

 

 

Cumar Aw Jaamac (Allah ha u naxariisto)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaceyl Baro: aadbaan uga helay gabaygaas. Hadaba kan bal ila fiiri: isna waa sheeg hadaad garato...

 

Ga’da gabayga Shaafici adaa, gaaddo ku lahaaye

Naxwihiisa gaarka ah adaa, goobay oo helaye

Adigaa garaaddiyo ku helay, Goonni sharaftiise!

 

Bayd gaabka oo idil markuu, gacan togaaleeyay

Gurbood iyo indhow-garad markii, laysku wada giijay

Gablay-shimbir sidiisii markii, dumar ku geeraaray!

 

Isagoo guluulaca markii, lagu guraabaasay

Geddii lagu aqoon jiray markii, laga gawaan-raacshay

Gurgurshaaga Adigow noqdiyo, laaxin gure weyne!

 

Galoof ololka niman baa yaqaan, gooddi iyo faane

Adigoon ardaa guurinayn, gobo’na sheegaaya

Gool-dhalinta waataad taqiin, Guulle mahaddiise!

 

Hiiradkuba ha gaa-gaawiyee, kaagu waa godole

Hibo aan gurayn iyo adaa, gaawe buuxsadaye

Ila guri haddeeroo kalaan, gole ka sheegaaye!

 

Saddexdaas isnow ays gogladay, dibirta gooheed dheh (Snow, Ice)

Dhego-gooye qabawgeer Galbeed, geyro kuu naban dheh

Dhahar guurtideedoo galbiyin, gabay aqoontood dheh!

 

Gufaacooyin rooboo Sanaag, gootay duhurkii dheh

Guguc iyo hillaac galalacliyo, galangal duufaan dheh

Dhul gariiray badahoo gilgilan, gabikayeerkood dheh!

 

Saddex kalana googaale iyo, gob iyo xaalkeed dheh

Halxiraale Gabayaysan iyo, gal iyo toorreey dheh

Intii gaaf ka maansoon taqaan, gaar u hadlkood dheh!

 

Giraamaha adduunyada haddaad, galabba meel joogto

Hadba waxa ku soo gelin waxaan, garasho yeelayne

Wax qabaw la-guban baan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Hal horraadku uu godal yahoo, giigsan yahay caano

Oo ganacsi loo sii raroo, galabba meel daaqin

Oo ka guran dambeedkaan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Geel habeedda jeenyaha kuloo, hore ka giirgiiran

Oo gamboorka raamsanahayiyo, geedka ciinka ahba

Oon giriirixayn baan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Maska goodka ee Bari hadduu, madax garaac diiday

Asuu godalla dheerow arlada, gees walbaba joogo

Kala goyn siduu uga bed galo, sheeg haddaad garato?

 

Garangoor dagaallamahayoo, guuto bixinaaya

Jirac reerka uu galo judhii, gabagabaynaaya

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

Gabxo iyo gabaaddiir habeen, gabbal madoobaaday

Gogol iyo nimaan haysan guri, iyo gabbaad toona

Oo gama’ ladaayaan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Garas gawso daal buu taraa, gaajo beel malehe

Gasiin kale nimaan siisanayn, hilibka geedaysan

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

Guxushaa cirrooboo caqliga, gaban la boodaaya

Iyo doob garraar soo xirtoo, gacan ka laafyooni

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

Gaas dumara oo goor walbaba, guluf u soo taagan

Gaalleefta gabar qaadatoo, tobon nin Qoor goynin

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

Guunyiyo nin gini haysta iyo, googo’ lacageedba

Gabarradana aan bixin karayn, dhawr gambiyo taano

Oo qabiil u go’ay baan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Nin Gurboodki uu dhalay intuu, gawrac ugu jiiday

Gabannada cadaawana sidii, gacal xanaaneeya

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

Nin gelgelin cidlaa hooyadiis, maalin uga guuray

Oo aan garawshiyo naxdini, taaban ganaciisa

Aayana gargaaraan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Garbiduu ku tiirsaday nimaan, loogu geli doonin

Oo gabanta foodda leh hub iyo, gamas u soo qaata

Giiryaale diricaan arkee, sheeg haddaad garato?

 

Geed adayg ninkii loo bartiyo, geesi lagu dhaato

Markay dumar guhaadana judhii, gorodda laadlaadin

Waxa loogu maag galay ninkii, garanayow sheeg bal?

 

Maskax guun ah maan gaabanoo, gaar is oranaaya

Midaan gabanno dhalin oo nin kale, gablan ku maagaaya

Gaasirnimo midkoodii geyoon, sheeg haddaad garato?

 

Mid guhaadda goor iyo ayaan, gayrtu hurinayso

Mid kaloo gunuunacahayoo, abid guraabaasin

Gidaar hoos ka muuqdaa mid uu, didiyo giirkiisa

 

Gardarrada midkeer qaayiboo, ganacu weynaaday

Garabgoroyo aan muuqanoo, laysku garabsiini

Bal geddaasna anigaa arkee, sheeg haddaad garato?

 

 

Deeq Aadam Diiriye

Xigasho: Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this