Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaasha Qatar iyo Iran oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
c4490ff9-9295-47d2-b160-c18d21d5f7a2_w10

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa magaalada Tehran kula kulmay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei iyo madaxweynaha dalkaas Ebrahim Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

Waxay ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal iyo dadaallada dib loogu soo celinayo heshiiskii nuclear-ka 2015-kii ee u dhexeeyay Tehran iyo quwadaha adduunka iyadoo wadaaxjoodyada ay burbureen kadib markii dhinacyadu ay isku mariwaayeen.

Shekh Tamim ayaa door muhiim ah ka cayaaraya dhex-dhexaadinta iyo wadaxaajoodyada qilaafyada arrimaha siyaasadda iyo diimaha ee gobolka, iyadoo xiriirka uu la leeyahay Washington iyo Tehran uu u saamaxayo soo gudbinta aragtiyada u dheexaya labada dhinac.

Amiirka Qatar oo Khamiistii booqasho ku tagay Iran ayaa markii uu la kulmay madaxweynaha Iran sheegay inuu aaminsan yahay in xalku uu ku jiro wadahadal sida ay qortay wakaaladda wararka rasmiga Iran. Labada hogaamiye ayaa ka wadadadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin xaaladaha Afghanistan, Iraq, Syria iyo dagaalka Yeman.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaasha Qatar iyo Iran oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this