Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa joojiyey Shirka Dhallinyarada Beesha Subeer Awal?

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaa Joojiyay Shirka.

12, May 2022 ayuu u mudaysnaa Shir ay lahaayeen dhalinyarada Beelaha dega Gobolada Maroodijeex, Saaxil iyo Togdheer, waxaana galinkii danbe ee maanta lagu warhelay in ciidamada ka tirsan Boolisku ay fureen Boodhadh lagu xardhay ogaysiiska shirka oo ka taagnaa meelo ka mid ah Hargeysa.

Shirka ayaa waxa ka soo horjeedsatay Xukuumada Somaliland oo ka cudur daaratay qabashadiisa, sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnihii wada shirka, waxaana amarka lagu joojinayay uu ka yimid dhawr meelood oo ka mid ah Wasaarada Arrimaha Gudaha oo soo amarta, Gudoomiye xigeenka Gobolka Maroodijeex khadar Baaruud in la joojiyo shirkaasi, waxaana kulan uu la yeeshay xubnaha waday shirka uu u sheegay in gabi ahaanba la joojiyay shirkaasi.

Dhinaca kale Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa dhinicooda ku amray shirkada daabacday Boodhadhka ee Sagaljet inay Birahooda ka furaan Ogaysiiskaasi.

Wali lama sheegin sababta keentay joojinta Shirka.

Maxamed Kuraase

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this