Sign in to follow this  
Chimera

collection of somali poets

Recommended Posts

Chimera   

to my nomad brothers and sisters could you put down Somalia's past and recent poets and a little bit about their background and history

 

i'm really interested

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Salam Aleikum W.W

 

The only Somali poets that I'm familiar with are Sayyid Mohammed Abdullah Hassan & Elmi Ismail Liban "Bodhari"..and I believe the overwhelming majority of the Somalis including you, are familiar with these two great Somali men. I got few of their poems and i can post it here if you like.

 

just let me know if you're interested Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

wa alaikum salaam thanks sxb and please post whatever you can!

 

i was hoping for more names like they claim in this book

 

Diiwaanka Gabayada- Gurmad 1 (A collection of Somali Poems- volume one).

 

780-0005_cvr.jpg

 

The book contains 80 selected poems from over 50 best known Somali poets. Over 80% of these poems have not been published before. The book contains 170 pages (4-color cover).

 

volume 2

 

780-0006_cvr.jpg

 

 

if i only knew their names and history and work

 

i will buy these books one day when i tottaly master af somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Salam Aaleikum W.W

 

Don't worry my brother, you'll get there Insha Allah...i aspire to master my mother tongue as well so i could compose somali poems.

 

this is arguably the most famous poem of Sayyid Mohammed Abdullah Hassan and its called "Koofil" ot Gorfield.

 

Adaa koofilow jiitayaan dunida joogeyne

Adigaa jidkii lagugu wadi jimic-la´aaneede

Jahannamo-la-geeyyow haddaad aakhiruu jahato;

Nimankii januu kacay war bay jirin ishaalleeye

jameecooyinkii iyo haddaad jowhart!i aragtid

Sida eebbahay kugu jirrabay mari jawaabteeda;

Daraawiish jikaar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

Waxay noo janjuunteenna waa jibashadiinii dheh;

Anigana jigray ila heleen shalay jahaadkii dheh

Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jiteeyeen dheh

Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh;

Jiiraayaday ila dheceen jilic afkoodii dheh

Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego

Billawuhu siduu kuu jarjaray jeerarka u muuji;

Naf jeclaysigeed baan u iri jaaloow iga daa dheh

Jaljalleecadii baa wadnuhu jeebka soo ruqay dheh

Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh;

Jimic kagama helin tuugmadaan jeriyey ruuxii dheh

Kolkaan juuq iraahdaba afkay iga jifeeyeen dheh

Dhaaxaan jaleecaye dheg baan jalaq la ii siin dheh

Goortaan jarreerona gefoo nolol ka jaanqaaday

Sida jananaddii hore tashigu igu jaguugnaa dheh

Taladii jinnigu ii hormaray jaasadeed helay dheh;

Jiidaha xanuunkq leh markii la igu jeeraarshay

Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh

Kolkay rubaddu jow!tiri or bay iga ag jiibsheen dhah;

Jiirkayga bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh

Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh

Jiljillaadiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh;

Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jilroonaa dheh

Waligoodba waa lagu jiraa jilibdhig duullaan dheh

Sayidkiina waa jibindhawgiyo jowda soo bixi dheh

 

 

PS. I could do with some translation...

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Gabaygan wuxuu Sayyidka tiriyey markii uu bixinaaye faraskii uu jeclaa oo la dhihi jiray Xiin- finiin. Xiinfiniin waxaa Sayidka waydiistay nin walaashiis markaas guursaday. Sayidka wuxuu gabayga ku amaanayaa Xiinfiniin, ka dibna wuxuu ka hadlayaa siduu u jecel yahay iyo sida uu qof kale usiiyeen.

 

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye

Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne

Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye

Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni

Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane

Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye

Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye

Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo qayumey haddii, la igu xoodaansho

Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone

Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag

Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye

Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne

Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule

Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge

Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

Xayskaa da'aayaan lahaa, Xalin ka dooyeeye

Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye

Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode

Xujeyreebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin

Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan

Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane

Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise

Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi ******e

Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane

Xashaaliillahiye nin goba, xamasho waw ceebe

Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne

Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye

Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftey, kala xeraadaane

Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay

Xadhigigiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

my personal favourite poet of all time.. Careys Ciise...

 

Hooyadu Waa Lama Huraan.

 

 

Hagaag waa loo socdaa Hor waa loo sii hoydaa

Hadal waa la hindisaa Mudaan uurka hurudnoo

culeys beey hayn jirtoo Xannuun beey la hingatee

Hooyadu waa lama huraan

 

Ha`dii kale waxaan lahaa

 

Habeen goor uu bartamay Caanihii beey nagu habtoo

Horaadkeey noo dhigtoo Dharkii beey na huwisee

Hooyadu waa lama huraan

 

Calooshaadoon hif oran Adiga oon ka haqab`bin

Hunguri ma haweeysatee Hooyadu waa lama huraan

 

Habaaq goor aad tahoo Talaabta aan la holi karin

Adoo ciidii hambaday Dhaqsaba waa ku hinjisaye

Hooyadu waa lama huraan

 

Afka aan ku hadalniyo Hannaankeeniyo hub qaad

Hagaag beey noo bartaye Hooyadu waa lama huraan

 

Ha`dii kale waxaan lahaa

 

Innaga oon heybad qabin Hal beeso aan subsan karin

Habaaskeey naga huftoo Waa tii noo hiilisaye

Hooyadu waa lama huraan

 

Si eeynaan halis u galin Hungurigeey suubisaa

Dhaqsaba hoo nama dhahdee Intii eey ka hubsataa

Iyada ayaa ku hormartee Hooyadu waa lama huraan

 

Ha`dii kale waxaan lahaa

 

Rerku haduu yahay hayaan Hayinka aan saaran nahay

Hogaankeey heeysatoo Hoos beey kaala hadashoo

Intii aad ka hurudaa Waa kuu heestaa hadana

Hooyadu waa lama huraan

 

Cilmiga shiikh ku hormariyo Nin haamaan ahiyo hanad

Iydaa soo heeyn jirtee Hooyadu waa lama huraan

 

Haddii loo baahdo hiil Geesiga loo habar wacdiyo

Fulayga aan haadka hubin Iyadaa soo heyn jirtee

Hooyadu waa lama huraan

 

Ha`dii kale waxaan lahaa

 

Deeqsi aad soo heybsatoo Hamuuntii kaa ba`shiyo

Bakhayl aan kula hadleyn Iyadaa soo heyn jirtee

Hooyadu waa lama huraan

 

Aabuhu waa howsha guud Iyana hoos beey hayaan

Habantii guriga iyo Hooygii beey noo huftaye

Hooyadu waa lama huraan

 

Ha`dii kale waxaan lahaa

 

Geed yare kaa hooshey meel Hadii aad haah dhehdaa

Hubkii beey ka hindadoo Iyada oon hagar laheyn

Haaw waa tii soo dhahdee Hooyadu waa lama huraan

 

Odagu waa haajiraa Hawuu meel ugu kacaa

Haduusan mowdku helin Hortaadeey taagan tehee

Hooyadu waa lama huraan

Hadii kale waxaan lahaa.

 

 

Have you ever known a better composed poem in any language..Maasha Allah... this is the greatest poem i've ever read.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Elmi Ismail Liban "Bodhari".

 

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

 

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

 

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey

Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya

Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye

luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

 

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay

Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin

Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Hodan Agteeda:

 

 

Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado

Hantaaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Sheekhe

Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye

Adigaan halyay kuu bidiyo huritii Daa'uude

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye

Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqadhayaaye

Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele

Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso

Gabadh kalaan haasaawiyaa waa iga haniyaade

Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye

Maxaan kula hagaagaa yartu way hanwayntahaye.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

his most famous one.

 

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee

Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene

Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane

Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye

Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

SOO SOCO SIDCIYO QAALIYEY

 

 

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde.

 

Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii Dayreede.

 

Xalun baa saqdii-dhexe wax i salaameene.

 

Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodiiye.

 

Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda.

 

Sunayaal madoobay qalbigu saakin kaa noqoye.

 

Soomaali iyo Carabiyo Hindiga sooya laga keenay.

 

Inta samada hoos joogta waad ugu saraysaaye.

 

Soo soco Sidciyo-qaaliyeey saanad baad tahaye.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey

Oo haro la soo joojiyo kuray u heegaayo

Oo hoobay loo qaaday iyo hees walwaaleedka

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye

Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge

Ayadoon ciida lagu hamsiin waanaan ka hadhayne

Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye

Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene

Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda

Kolkaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

Ruqruqaansigaygii dambaan soo hambaabiraye

u haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tuuraye

u hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

u hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay

haysteene

u hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye

Wax aanad haynin ood haabsataa habartii weeyaane

hoheey iyo hoheey maxaa hadimo la ii gaystay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Pity The Heart That Loves:

 

 

Hannaan Quruxsan

 

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye

Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuum aaan tirsheen heesta caashaqa e

Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga

Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye

Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye

Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye

Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye

Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo

Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey

Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye

Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne

Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey

hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile

Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye

Imikuu u hees yidhi gab'dhaa taan hanteen rabaye

Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye

Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e

Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye

Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane

Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye

Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay-hayso

Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey

Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa

Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye

Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale'e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey

Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya

Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye

luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay

Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey

Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin

Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Maxaan Hodan Cabdaay Kaaga Go'i Waayey? oooohhh!

 

 

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene

Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Sidii aad go'aygii tahiyo macawistaan goostay

Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin

Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta

Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye

Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay?

Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye

Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye

Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey?

Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye

Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye

Iyadoo gadiid u eg markaan Gu'ga kaxaynayo

Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka

Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda

Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo

Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

CAASHAQA HAWEEN

 

 

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye

Sayidkii cishqiqa nuureiyo Caliba soo gaadhye

Caruurtay sideen ciirshe meesha iyo nebigiiye

Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxidahe

Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane

Soomaalidaa caado xune cidi iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye

Kuwii ii calaacalay baan caqli tusaalayne

 

Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaye

Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda

Ma ciidaamkanaa jabinaya cunaya dhuuxooda

Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la'ii diidye

Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku cir-cadaayeeyey

Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey

Muga inaan cadaadaa baan ka biqi Canab darteede

Cududuhu ma naxaan qofkay talo ku ciirtaaye

 

Casharkay wadaadadu qoreen cudurkan go'i waayey

Cilmi dawo waliba doontay oo weyday cilinkiise

Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu ciroobay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

according to the website I got it from, it says this is one of his last ever poems before he died.

 

 

LUQUN MADOOBE AWRKUBA

 

 

Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo

Isagaa u laakima badanaa laqanka xoolahe e

Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba

Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado

Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye

Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane

Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere

Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye.

 

 

That's all i could find..i will post if i find any new material from any Somali poet Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this