Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno kamid ah guddiga FEIT oo ka horyimid go’aankii 16-ka kursi ee Garbahaarrey loogu wareejiyay Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
FEIT-1.jpg?resize=1000%2C539&ssl=1

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta ka socda guddiga FEIT oo uu hoggaaminayo madaxa qeybta maaliyadda Cabdiweli Maxamuud Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii doorashada 16-ka kursi loogu wareejiyay Ceelwaaq.

Xubnahan ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin go’aankii ka soo baxay guddoomiyaha guddiga FEIT ee heer Federaal kaas oo kuraasta Garbahaarrey loogu wareejiyay degmada Ceelwaaq islamarkaana uu ahaa go’aan u gaar ah Muuse Geelle Faroole.

Go’aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go’aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay” ayuu yiri Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka tirsan guddiga FEIT.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay qiimayn ku samaynayaan Amniga magaalada Garbahaarrey kadibna ay ku qaban doonaan doorashada 16-ka kursi ee laga soo doorto Gobolka Gedo.

PUNTLAND POST

The post Xubno kamid ah guddiga FEIT oo ka horyimid go’aankii 16-ka kursi ee Garbahaarrey loogu wareejiyay Ceelwaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this