Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxa uu taageerayo ee xilka guddoomiyaha BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa durba billaabay ololaha doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, isaga oo calaameeyey musharaxa uu taageerayo. 

Lafta-gareen oo soo xulay dhammaan xildhibaanada Koonfur galbeed, ayaa xalay kulan isugu yeeray saddex musharax oo ku dhow oo xilkan doonaya kuwaas oo kala ah; Xasan Cabdinuur, Xasan Eelaay iyo Aadan Saransoor.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay Caasimada Online, madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey inuu si buuxda u dhisayo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ah nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhow. 

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday Xasan Eelaay iyo Aadan Saransoor inay tartanka ka haraan oo ay taageeraan Xasan Cabdinuur. 

Xildhibaan Xasan Cabdinur ayaa la filayaa inuu musharaxnimadiisa si rasmi ah ugu shaaciyo xaflad caawa ka dhaceysa Hotel Decale ee Muqdisho, taasi oo lagu marti qaaday xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Xasan Cabdinuur ayaa la filayaa inuu loolan adag la galo Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Black oo ayagana xilka u sharaxan, inkasta oo la sheegayo in rajada Aadan Madoobe aysan badneyn, oo loolanka adag uu la geli doono Black. 

Musharaxnimada Xasan Cabdinuur ayaa tijaabo u ah awoodda Lafta-gareen ee baarlamanka iyo sida ay ugu xiran yihiin xildhibaanadii uu soo saartay, waxaana guusha Xasan ay tusaale u noqon doontaa sida xildhibaanada Lafta-gareen u saameyn karaan doorashada madaxweynaha.

Dhinaca kale, siyaasiyiin xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay adag tahay in Xasan Cabdinuur laga gado xildhibaanada sababo la xiriira khibrad la’aantiisa, balse hadduu guuleysto ay ka dhigan tahay halis cusub iyo baarlaman kasii xun kii Maxamed Mursal. 

The post Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxa uu taageerayo ee xilka guddoomiyaha BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this