Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni wuu ka digay ku adeegashada awoodaha dowladda federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Faallo PP) — Waraysiga Laanta af Soomaaliga ee VOA la yeelatay Shirkadda Coastline Exploration, oo sanadkan heshiis uu la saxiixay Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Axmed, wuxuu mar kale dadka ku baraarujinayaa u nuglaanta hay’adaha siyaasadda dowlwadda federaalka musuqmaasuq iyo isla xisaabtab la’aan.

Madaxwenaha Puntland oo hadda ah murrashax madaxweyne ayaa 2019kii soo jeediyay in gole hoggaamineed la sameeyo, isla markaaasna maamul federaaleedyadu eegaan hindisayaasha   heshiis inta labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare) aysan ansixinin.  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre labaduba way ku gacan-seyreen soo-jeedinta Madaxweyne Deni.

FB_IMG_16364416222751797-1.jpg?resize=39Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuu sii arkayay in ku been abuurasho madaxweyne ka dhalan doonto awood urursiga iyo isla xisaab la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Laba tiir ayay doodda Madaxweyne Deni ku tiirsanayd: (1) Maadaama aynan la hayan xildhibaano si toos ah loo soo doortay, waa inaysan u dhaqmin labada aqal sida sharcidejiyayaal lagu soo doortay hal qof iyo hal cod, iyo (2) La tashiga maamul federaaleedyadu wuxuu yaraynayaa suurtogalnimada in labada aqal ama golaha wasiirradu ansixiyaan heshiis aan dan u ahayn qaranka Soomaaliyeed.
Maaddaama fulinta iyo xeerdejintu heer federaal aysa kala madaxbannaany, dowladdna ku tiirsan tahay ciidammo nabad-ilaalin ah, danta qaranku waxay ku jirtaa inaanu qirmo iimaha hay’adeed keeni kara in kheyraadkeenna la boobo iyo in heshiisyo sharci-darro ah lala galo dowladdda federaalka.

Rooble.jpg?resize=396%2C263&ssl=1Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu xoogga saaray difaacista Wasiirka Batroolka oo heshiis sharci-darro ah saxiixay.

Dibindaabyadii uu ka digayay Madaxweyne Deni way dhacday. Wasiirka Batroolaka ayaa heshiis saxiixay isagoo hore u sheegay inuu og yahay wareegto madaxweyne oo diidaysa gelista heshiisyo inta lagu jiro kala-guurka. Taas waxaa ka sii daran in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uusan tallaabo ka qaadin Wasiirka Batroolka oo dhowaan la kulmay Safiirka Maraykanka si uu ugu sheego waxqabadkiisa sida heshiiska uu sida sharci-darrada ah ula galay Coastline Exploration.

In Wasiirku weli hayo xil waxay taageraysaa Coastline Exploration oo hadda ku doodaysa in heshiisku sharci yahay oo aan laga noqon karin. Haddii uu Wasiir Soomaaliyeed heshiis la saxiixdo shirkad shisheeye way adag tahay in dowladi ay ku dooddo in heshiiska aysan wax ka ogeyn. Marka horeba gef bay ahayd in dowladda federaalku yeelato awood ay heshiisyo kheyreed ku saxiixdo iyada oo aan dalka oo dhan ka talinin.

FB_IMG_16490719931693525-1.jpg?resize=39Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda ma bixinin amar tallaabo lagaga qaadayo wasiirka qiray inuu ogaa wareegtada kala-guurka laakiin saxiixay heshiis kheyraad wadaag ah oo sharci-darro ah.

Murrashixiinta madaxweyne ilaa hadda may ka hadlin heshiiska sharci-darrada ah oo waxay Rooble ku taageersan yihiin sida uu isu dhinac-istaagay Wasiirka Batroolka. Waxa Meesha ku lumaya waa danta qaran Soomaaliyeed oo manta ka hooseysa danta beelaha qaarkood.

Coastline Exploration waa magaca cusub ee shirkaddii Soma Oil and Gas oo uu Ra’iisal Wasaare Kheyre saamilaydeeda mar ka mid ahaa.  Haddii taladii Madaxweyne Deni la qaadan lahaa 2019kii, Soomaaliya way ka badbaadi lahayd Wasiir looma-taliyaan ah oo heshiis sharci-darro saxiixaya, Ra’iisal Wasaare Difaacaya iyo go’aanka Madaxweyne dadka la shaqeeya ku soo xusha nacamleynta.

© Puntland Post, 2022

The post Madaxweyne Deni wuu ka digay ku adeegashada awoodaha dowladda federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this