Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad Xalay ka curtay Berbera & wuxu daaraa+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
 Mudaharaad Xalay ka istaadhmay Berbera & wuxu daaraa
Ururada Geelayaasha Xamaaliinta Dekeda Berbera ayaa Caawa Mudaharaad Ka Sameeyay Kadinka Hore Ee Dekeda Laga Galo. Sababta Mudaharaadka Ayaa La Xidhiidha Marxuum Kamida Ahaa Xamaaliinta Oo Geeriyooday Wiigan Horaantiisii Marxuumka Waxa Kudhacay Wiishka Markab Sibidh Siday Uu Ka Shaqeynaayay Waxaanay Ku Doodayaan Inuu Dhaawaca kasoo Gaadhay Jugta Wiishkaas Ugeeriyooday Hase Yeeshee Waxa Doodaas Diiday Shirkada Dekeda Maamusha Ee DP World Kadibna Baadhitaan Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera Ka Dalbadeen Bahda Caafimaadka Waxay Sheegay Inaanu Dhaawacaas Ugeeriyoon Marxuumku Uu Ugeeriyooday Xanuuno Kale Tasaana Keentay Mudaharaadka Ay Sameeyeen Ururada Geelayaasha Xamaliinta Dekeda Berbera.
Marxuumka Alle Ha Unaxariistee Ayaa Waxa Ka Muuqday Dhawaacyo Jabniin Kamid Yahay. Shirkada DP World Ayaa Sheegtay Inay Dhaawacyada Marxuum Qaadatay Hase Yeeshee Aanay Dhimashadiisa Qabin.
Ciidamada Booliska Ayaa Mudaharaadayaasha Kala Dareeriyay Xiisadii Ayaase Weli Taagan Manay Ku Qaancin Ururada Xamaaliinta Iyo Ehelada Marxuumka Najiida Kasoo Baxday Bahda Caafimaadka Ee Baadhitaanka Sameeyay Hilibihii Marxuumkuna Waxay Mudo 5 Habeen Iyo 5 Maalmooda Kujiraan Talaagada Meydka Ee Cisbataalka Berbera.
Waa Markii Uhoreysay Ee Marxuum Dhintay Dhaawaciisana La Qaato Dhimashadiisana La Diido.

 

278545313_4712067428921398_9526388858667
278644613_4712067538921387_3262507970840
278482294_4712083765586431_8345134778324
278248904_4712084348919706_6234810408788
278249530_4712084508919690_3740129510071

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this