Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Shaqaaqadii Jeelka Hargeysa & Xadhiga Weriye Ilig

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Shaqaaqadii Jeelka Hargeysa & Xadhiga Weriye Ilig

guray.png
AFKU WUXU LA XOOG YAHAY…,
Inta aan ogahay may jirin dhabaato wayn oo ka dhacday Xabsigan. Waxay ahayd arin ay ahayd in ay ku koobnaato Maamulka Xabsiga Dhexe. Hadii uu maamulku ka baqdo in xaaladdu faraha ka baxdo in ciidan dheeraad ah uu dalbado si xaaladda uu gacanta ugu qabto lafteeda xaq buu u lahaa. Wixii intaa ka badan ee dhacayba waa buunbuunin baan u arkaa.
Madaxwaynuhu cid kasta oo uu colaystaa haday colaysto anigu la yaabi maayo. Ilig waxan qabaa in laga gardaran yahay waayo wuxu si sharci ah u dalbaday liisan TV uu doonayay in uu furto shuruudihii laga doonayayna uu buuxiyay hadana waa loo diidaye yaa kale een ahayn Madaxwaynaha ee u diidi karayay? Hadda ayaa la i leeyahay Ilig baa ugu darnaa suxufiyiinta arintan buunbuunisay. Haday jirto ha buunbuuniyo dee itaalkiisa saw nin madaxwayne dhan iyo xukuumadiisi ay dagaal ku hayaan maaha? Ciddii ku colaysata in adiguna aad colaysatid anigu qalad uma arko, wax iska celintuna gacanta uun maaha oo waakii Maxamed Nuur Fadal lahaa: AFKU WUXU LA XOOG YAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARA.
Sidaa daraadeed saxaafadda iyo xisbiyada mucaaridka anigu kula yaabi maayo wax-iska-caabiga waayo waa is-difaac. Xagayga sharcigu waa sharci oo waa in loo wada sinaado, Madaxwaynuhuna isaga ayay u taalaa in uu wax ka bedelo siyaasadiisa uu kula dhaqmo warbaahinta madaxbanaan iyo weliba mucaarikiisa xaqa u leh in ay xisbigiisa kula tartamaan hogaaminta talada dalka. Labadaba iskeen siiya hadii uu yidhaa hadda Quraanjana qaniintay baa la yidhiye ha adkaysto wixii uu xidhayo-na ha xidho. Dagaalkuna wuu soconayaa xataa hadii uu kumanyaal xidho. Xaaladuna in ay ka sii darto mooyee kama soo roonaan doonto

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this