Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo difaacday Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1649900806952.jpg?resize=325%2C32

Hirshabeelle ayaa ka hortimid go’aankii Guddiga FEIT ku hakiyay kursiga HOP#086 ee ku soo baxay taliyhii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hirshabeelle waxay sheegtay in kursiga HOP#086 aysan jirin wax habraac khaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed, waxayna ku baaqday in shuruud la’aan lagu siidaayo kursigaas, iyadoo la dhowrayo heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran.

Hoos ka akhriso qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle

WAR-SAXAAFADEED:

Ujeedo: Fasixid si shuruud la’aan ah Kursiga HOP086.

Jowhar: 14, Apriil, 2022: Dowladda Hirshabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeeyn Dowladda Hirshabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka.

-DHAMAAD-


PUNTLAND POST

The post Hirshabeelle oo difaacday Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this