Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xadhigga Suxufiyiinta Iyo Weerarka Xarumaha Warbaahintu Waa Xadgudub Ay Xukuumaddu U Badheedhay…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa ka hadlay 9 wariye oo maanta lagu xidhay Hargeysa.

Sidoo kale guddoomiye Xirsi waxa uu ka hadlay weerar ay ciidammada Somaliland ku qaadeen xarunta guud ee telefishanka HCTV iyaga qaatay qalabkii yaallay, xidhayna wariyeyaal iyo farsamoyaqaano ku sugnaa xarunta Tv-ga.

“Xadhigga suxufiyiinta iyo weerarka xarumaha warbaahintu waa xadgudub ay xukuumaddu u badheedhay.

Weerarka xarumaha warbaahinta ee Horn Cable, Xadhigga tobanka suxufi iyo kuwa la sheegayo in hore loo jidh dilay, waxay markhaati cad u tahay in xukuumadu baal marsan tahay sharcigii dalka u yaallay iyo dastuurkii muwaadiniinta u dammaanad qaaday xoriyaadka aasaasiga ah.

Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii uu Wasiirka arrimaha guduhu u hanjebayay saxaafadda, maantana wuxu ku tallaabsaday in uu xidhxidho. Waannu ka soo horjeednaa xadgudyada lagula kacayo saxaafadda iyo muwaadiniinta aan waxba geysan.

Cabudhin iyo cagajuglayn ku cabiidsami maayaan dadka reer Somaliland!”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this