Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Rasaas laga maqlayo xabsiga dhexe ee…

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in rasaas culus laga dhex maqlayo gudaha xabsiga weyn ee magaalada.

Rasaasta oo si weyn looga maqlayo gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka tirsan maxaabiista xabsiga ay gadoodeen, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas taasina ay keentay is-rasaaseyn dhex-mareysa ayaga iyo ilaalada xabsiga.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ay isku hareereeyeen dhammaan jidadka kasoo baxa xabsiga dhexe si looga fogaado inay baxsadaan qaar ka tirsan maxaabiista.

Booliska ayaa joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee jidadka u dhow xabsiga dhexe, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa ka socda gudaha xabsiga.

Waxaa sidoo kale goordhow gaaray xabsiga cidamada RRU, ciidamada Booliska iyo Ciidanka asluubta. Sidoo kale Waxa goobta ku sugan wasiirka arrimaha guddaha Somaliland waxaana la adkeeyay ammaanka saldhigga weyn

Ma jirto cid ama xaabiis ah oo ilaa hadda jeelka ka baxsatay.

Wixii kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena dambe Inshaa Allah.

The post DEG DEG: Rasaas laga maqlayo xabsiga dhexe ee… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this