Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda FEIT oo Gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirhelinta doorashooyinka FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa maanta gaaray maagalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulkaas.

Guddiga ayaa u gaaray maagaalada sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka iyo guddiga ee ku aadan xildhibaannada laga soo doortay deegaannadaas oo aan wali qaadan Shahaadada xildhibaannimo, iyadoo saacado qura naga xigaan 14-ka bisha oo ah maalinta loo asteeyay dhaarintooda.

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad laga soo doortay deegaannada Koonfur Galbeed ayaa in ka badan 70 mudane waxaa aysan qaadan shaahaadada xildhibaannimo iyo kaararka aqoonsiga ah, waxaana jirtay in horay Baydhabo ugu sugnaayeen wafdi kale uu ka mid ahaa madaxweyne Qoorqoor.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this