Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha labada aqal ee laga soo doorto Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
baarlaman.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Puntland oo ku sugan Garoowe ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa ku sii jeeda Muqdisho si ay uga qayb-galaan dhaarinta xubnaha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Dhaarinta xildhibaannada ayaa loo qorsheeyay Khamiista berriya oo ku beegan 14 bisha April 2022 waxaana lagu wadaa in dhaarinta kadib xubnaha laga soo doorto Puntland ay dib ugu laabtaan Garoowe.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayaa xalay kulan saagooyin ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka ku matala Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xubnaha labada aqal ee laga soo doorto Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this