Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah wakiillada beesha caalamka,  iyaga oo kawada hadalay arrimo dhowr ah oo ku qotoma doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray soo gabagabeynta doorashada golaha shacabka  iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada oo ku beegan 14- ka April 2022 oo ah maalinta loo asteeyay in lagu dhaariyo.

Kulan ka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo in ka badan 200 oo xildhibaan ay qaateen shaahaadooyinka iyo aqoonsiga xildhibaannimo, waxaana la filayaa in dhowaan la aadayo dooyashooyinka guddoonka labada aqal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this