Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Pakistan oo xilkii ka qaaday Ra’isul Wasaare Imran Khan

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa xalay xil ka qaadis ku sameeyay Ra’isul Wasaare Imran Khan.

Afhayeenka Baarlamanka dalkaas Ayaz Sadiq ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay 174 cod ka heleen 342-da xubin ee golaha, taas oo ka badan codadkii ay doonayeen in ay xilka uga qaadaan Ra’isul Wasaaraha.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah xubnaha isbaheysigiisa ayaa ku eedeeyay Khan inuu ku fashilmay dhaqaalaha sii liicaya ee Pakistan iyo in uu ka dhabeeyn waayay ballan-qaadyadi uu sameeyay intii uu socday ololihii isaga lagu soo doortay.

Imran Khan oo ah 69 jir ayaa xakumayay Pakistan muddo ka badan 3 sano, waxaana lagu wadaa in aarlamaanku nuu Isniinta berrito ah soo doorto ra’isulwasaare cusub.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Pakistan oo xilkii ka qaaday Ra’isul Wasaare Imran Khan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this