Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga FEIT oo sheegay in ay shahaadada siiyeen 200 oo xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Geelle.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa ka warbixiyay tirada xildhibaannada labada aqal ee qaatay shahaadada iyo karaka aqoonsiga xildhibaannimo.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in xubno gaaraya 200 oo ka kooban labada aqal ee Baarlamank ay qaateen shahaadada iyo karaka aqoonsiga xildhibaannimo.

Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay FEIT.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay dar-dar ku socoto shahaada-bixinta islamarkaana ay dhowdahay dhaarinta xildhibaannada labada aqal.

Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadwenoow doorashaa loo dareeray”

PUNTLAND POST

The post Guddiga FEIT oo sheegay in ay shahaadada siiyeen 200 oo xildhibaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this