Sign in to follow this  
BOB

Adduun (Af Somaali)

Recommended Posts

BOB   

Addunyadu waa imtixaan aan dhammaan

Aqal aan tiir laheyn iyo mid aan dhismeyn

Albaabaan furmeyn oon muftaax laheyn

Amakaag iyo leh murugo aan dhammaad laheyn

Argagixiso joogto iyo leh xarbi aan kala goeyn

Arrimo isku wada xiran oo laheyn xal

Akhbaar culus iyo leh dhambaal murugo miiran

Awwood loo sheegan karin oo kaa amar weyn

Ammaan laheyn oo leh caddaalad qalafsan

Anshax kuwo aan laheyn iyo leh kuwo afkaar adag

Aayatiin malaha oo ileyn ku waari meysid

Allah xisaabtiisa iyo iilbaa kulligeen na wada sugi

Aakhiradaada ha illaawin adduun gaarimeyside

Adduun waa halka anbiyada Allah (s.w) lagu amar diido

Allah (s.w) uunkiisa ku ilaawaan oo ay ugu caasiyaan

Akhlaakhda looga tagoo ragga ay isku guursadaan

Allahayoow maxaa iisoo arkay dumar aan xishood laheyn?

Adduun ammaan maleh dumarkiibaa akhlaaqdii uga luntaye

Aqalkoodaa lagasoo saaray oo jirkooday iibinayaan

Adduunkan aan joogno waa meel dumarku is marwestaan

Allahayoow maxaa iisoo arkay canug aan aabe leheen?

Arrin laga xishoodo meysan aheyn aabe ubadkiisa diida?

Aabe iyo Hooyo loogu caasiyoo lagu hadal celiyo

Agoonta lagu dhacoo xaqqooda lagu boobo

Ammaanada lagu xafidinoo ribada lagu faano

Aadaanka lagu dhibsadoo Allahu Akbarta lagu inkiro

Ammaan maleh aduun ee aakhiradaada ha ilaawin

Allah ku xirnoow iyo rasuulkiisa muxammad (s.c.w)

Ayaamahan yaroo naftu amaanada kugu tahay

Adigoo cibaadadaada ku dadaala yaa Wallah kuu dhaanta adduun. smile.gif

 

 

Peace,Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this