Sign in to follow this  
Deeq A.

“Cabdiraxmaan Cirro waxan leenahay, qaranka JSL waa mid ee ha u kala abtirin..” Buuni

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Af-hayeenka xisbiga talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa murrashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro uga digay kala qaybinta iyo u kala abtirinta uu ku hayo shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee ay ku habsatay masiibadii suuqa Waaheen iyo tashuushka ugu furayo dedaallada xukuumadda, beesha caalamka iyo shacabka oo gacmaha is haystaa ugu gurmanayaan dhibaatada dhacday.

Af-hayeen Buuni oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweynuhu ay shaqo baaxad leh ka qabteen masiibada dhacday, una hagar baxeen sidii masiibadaas qaran looga soo kaban lahaa, dadkii ku waxyeelloobayna qaranku dedaal ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen goobo ay ganacsigoodii dib uga bilaabaan.

Afhayeenku waxa uu eedo culus oo la xidhiidha inuu bulshada midaysan kala qoqobayo u jeediyey murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxana uu ugu baaqay inuu ka waantoobo u kala abtirinta shacabka dabku dhaqaalahoodii baabi’iyey ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa,“Waxannu kuusoo jeedinaynaa masiibadaas dhacday ma aha mid maanta wax laga baadhbaadho oo Eedo laga soo jeediyo, adigana kufkaaga ma aha, iyada oo Kumannaan shalay qani ahaa ay maanta fuqaro yihiin inaad shacabka  midaysan u kala abtirisaa meesha may oollin mana qabato, Somaliland-na gees ilaa gees baad mustaqbal ka rabtaaye ma aha inaad Kiiloo-mitirro kooban oo caasimadda ku yaalla oo masiibo ku dhacday aad kala qaad-qaaddo,” ayuu yidhi Af-hayeen Cabdinaasir Buuni.

Af-hayeenku waxa uu meesha ka saaray in wax siyaasad la xidhiidha la geliyey masiibadii ka dhacday suuqa, waxana uu caddeeyey in dhammaan qaybaha kala duwan ee qaranku ka kooban yahay iyo shacabkuba u midaysan yihiin sidii dhibaatadaas looga soo kaban lahaa, isaga oo uga digay inuu sii kala qaad-qaado bulshada dhibtu ku habsatay ee tiiraanyadu ku dhacday.

Ugu dambayntii waxa uu Afhayeenku u mahadnaqay cid kasta oo tiiraanyada la qaybsatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxdii dareenkooda walaaltinimo muujiyey, isaga oo xisbiga WADDANI ugu baaqay inay masiibada qaybtooda ka qaataan,  meeshana ka saaraan nashuushadaynta iyo naxliga ay bulshada dhegahooda ku dhego barjaynayaan, halkan hoose ka Daawo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this