Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid go’aankii Rooble ku eryay Wakiilka Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16490719931693525-1.jpg?resize=71

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble ku eryay Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka”.

“Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka” ayaa qoraalka lagu daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.

Wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka digay tallaabo kasta oo carqaladayn karta amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara doorashada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madasha Wadatashiga Qaran in ay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid go’aankii Rooble ku eryay Wakiilka Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this