Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq Madaxweynaha Somaliland u diray Bulshada Caalamka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baaq Madaxweynaha Somaliland u diray Bulshada Caalamka.

mb-15-e1646051131804.jpg
Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.
Suuqan Waaheen ee ay dhawaan ka qaraxday Masiibadii dabku ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.
Halkan Ka Akhriso Sida Uu U dhigan Yahay Baaqaasi iyo nuxurka uu xambaarsan yahay:-
277768672_532014224951486_23548094790490
 277766860_532014231618152_45070062680307
277767862_532014244951484_82168176935428
277573769_532014334951475_19358251112981
 277758474_532014201618155_71134212643766

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this