Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursigii uu ku soo baxay Fahad Yaasiin oo la go’aamiyay in dib loo doorto

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal (FEIT) ayaa shaaciyay in mar kale dib loogu laabanayo doorashada afar kursi oo horay guddigaas u hakiyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in dhammaan kuraastaas ay ku soo baxeen nidaam baal-marsan habraacyadii iyo hannaankii doorashad islamarkaana natiijadoodu ay tahay waxba kama jiraan.

Kuraasta guddigu go’aamiyay in lagu celiyo doorashadooda waxa kamid ah kursiga Hop#086 oo uu ku soo baxay agaasimihii hore ee hay’adda NISA haddana ah la-taliyaha dhinaca Amniga madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin.

“ Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal waxa uu go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan si loo saxo habraacii qaldamay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka FEIT.

Guddiga-1.jpg?resize=1000%2C1404&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Kursigii uu ku soo baxay Fahad Yaasiin oo la go’aamiyay in dib loo doorto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this