Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog koobaysa Degmo waliba cashuurtay soo urursato+Lacagta dawlada dhexe ku celiso

Recommended Posts

Deeq A.   
Xog koobaysa Degmo waliba cashuurtay soo urursato+Lacagta dawlada dhexe ku celiso
274783115_10223413470859796_6204942408765483811_n.jpg?_nc_cat=110&ccb=1-5&_nc_sid=e3f864&_nc_ohc=UGK9h5iU4Q8AX_aFYQQ&_nc_ht=scontent.fhga3-1.fna&oh=00_AT9w-kHoeWP9Rd7_qIZZu2YbtGIwXy5xawfSrG7jokj1QA&oe=6253165C
Xogtani waxay soo koobaysaa degmo waliba cashuurta ay soo urursato iyo lacagta dawlada dhexe ku celiso, tusaale 2020 Hargeisi waxay soo urursatay cashuur u dhiganta 16.5 Million USD, dawlada dhexe waxay ku celisay 1.7 million USD, halka Berbera oo gabigeeduba soo urursatay 1.3 Million USD, dawlada dhexe siisay 12.4 million USD, waxa haddaba is waydiin mudan Hargeisa oo ay ku nool yihiin cashuur bixiyeyaasha ugu badan maxaa 1.7 million USD loogu qoondeeyay, Berberana 12.4 Miillion USD?
Waxa kale oo xusid mudan magaaloba magaalada ay ka dad badan tahay adeegyada Caafimaad, Waxbarasho, Jidad, Biyo iyo Laydh ee ay u baahan tahay waa ka badan yihiin, markaa ma waxay ahayd in magaalada dadka badan Kabka iyo Kaalmada dawladu ku celiso looga badiyo mise in looga garee yo?
Waxa noocasa waxa jidaynaya Xeer 23/2019.
Dakhliga Gudaha ee Degmo Waliba soo urursato:
1. Hargeysa – $16.5 million
2. Burco – $3.9 million
3. Borama – $2.9 million
4. Berbera – $1.3 million
5. Laascaanood – $800,935 kun
6. Gabiley – $331,662 kun
Dakhliga Dawladda Dhexe ku celiso, iyo sida ay u kale badsadaan:
1. Berbera – $12.4 million
2. Gabiley – $4.9 million
3. Hargeysa – $1.7 million
4. Borama – $1.5 million
6. Laascaanood – $1.4 million
6. Burco – $1.4 million
7. Ceerigaabo – $1.37 million
Xeerkan waa khasab in Kaabis iyo wax ka BADAL lagu sameeyo oo cadaalada la wafaajiyo.
May be an image of text that says 'Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019 (Somaliland Regions and Districts Self-management No. JAMHUURIYADDA SOMALILAND Xafiiska Madaxweynaha Sum: :JSL/XM/WM/222-436/122019 Taar: 23/12/2019 Wareegto Madaxweyne Û SsmamukaCoaddaiyoDemoin ÛmamukaGooaiv.e. Xeerr.23/2019 Markaan Arkay: Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobada 75aad ee Datuurkajamhuuriyadda Somaliland; Go'aanka Golaha Wakiillada Go'aan Lr.GW/KF-41/853/2019, ee ku taariikheysan 11/12/2019, ee ay ku ansixiyeen Wax-ka- beddelka iyo Kaabista Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka, Xeer Lr. 23/2019; Waxaan_soo-saaray: Dhaqan-galka galka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Is- maamulka Gobollada iyo Degmooyinka, Xeer 2019. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland'

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this