Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Arrimaha Xuquuq Insaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1649149461894.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa Aqalka Wakiillada DPL ku qaabilay Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Aadanaha ee Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) Mrs Kirsten Young ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Saciid Cabdi Muumin.

Guddoomiyaha iyo Wefdiga ka socday Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Aadanaha ee Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ka wada hadlay arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Hir-gelinta Xeerarka caalamiga ah ee dhawrista Xuquuqda maxaabiista, iyo arrimo muhiim u ah la socoshada Shuruucda calamita ah ee xoojinta Xafiiska Aadanaha Puntland.

Inta kadib, waxay kulan la qaateen Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska & horumarinta Haweenka ee Golaha Wakiillada, iyo Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo looga hadlay xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland, La socoshada xeerarka Xuquuqda Aadanaha iyo Cadaaladda.

Wefdiga Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Aadanaha ee Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa uga mahadceliyey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo xubnaha Guddiyadda kaalin wanaagsan oo ay ka geesten wada-shaqeynta Hay’addaha Xuquuqda Aaadanah iyo Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Arrimaha Xuquuq Insaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this