Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Suudi oo weeraray Farmaajo iyo kooxdiisa – “Nin dhacay yuu idin dhuminin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashada ee FITE, kadib markii lasiiyey shahaadada ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar ku qaaday MW Farmaajo iyo kooxdiisa.

Muuse Suudi ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo iyo Fahad ay dhibaateeyeen dadka Soomaaliyeed, xittaa dadkoodii u dhowaa, isaga oo tusaale u soo qaatay gobolka Gedo.

“Dadka hadda laga sheeganaayo nin walbo dadka ka sheeganaayo wuxuu uga daran yahay reeraha aw ka dhashay ninka la yiraahdo Fahad ciddiisa uma noola aaween nimankii odayaasha ahaa oo siyaasiyiinta oo kiisa ahaay, Maxamed Farmaajo dadkiisa wuxuu ku xayiray Gedo doorasho geli ma kartiin ayuu leeyahay waxaas looma baahna dadka ha xuroobo,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku xiran Villa Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inuu magaalada Muqdisho usoo diro xildhibaanada lagu soo doortay Baydhabo iyo Baraawe.

“Nin saaxibkey ahna Baydhaboy yaan leyga tegin anaa idin soo saaray dadka dhahayaa, isagana haka waan toobo dadka hasoo diro,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

Ugu dmabeyn wuxuu farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada iyo saraakiisha, wuxuuna usoo jeediyey inay ka fakiraan mustaqbalka dalka.

“Dhalinyarada waxaa leenahay mustaqbalka idinkaa iska leh ama ciidan noqda ama saraakiil sare noqda nin tegaayo yuu idinla tegin nin dhacay yuu idin dhuminin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan meel xun ay gaartay xaaladda dalka, isla-markaana uu sii laba kacleeyey khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

The post Muuse Suudi oo weeraray Farmaajo iyo kooxdiisa – “Nin dhacay yuu idin dhuminin” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this