Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya iyo khilaafka kasii daraya ee doorashada dalka.

Galmudug oo caddeysay mowqifkeeda ayaa sheegatay inay aad uga xun tahay xaaladaha soo kordhay oo ay sheegtay inay dhaawici karaan dhammeystirka doorashooyinka dalka

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Galmudug.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran,”.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay ilaalinta hannaankii lagu heshiiyey, iyada sidoo kale soo jeedisay in khilaafka soo kordhay lagu xalliyo Masasha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu kasii darayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu guddiga FIET ka saaray xubno lagu eedeeyey inay fowdo ka dhex sameeyeen xarunta guddiga doorashooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale soo shaac baxday warbixin kasoo baxday NISA oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay maleegeyso qorshe lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble, taas oo keentay shaki weyn, isla-markaana ku soo aaday, xilli horey ra’iisul wasaaruhu u shaaciyey in loo soo diray farriimo hanjabaadyo ah.

The post Galmudug oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka jira dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this