Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo madaxweyne Farmaajo ‘uu diyaarinayo’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Farmaajo uu wado abaabul ciidan, doorashana uusan diyaar u aheyn.

Madaxweyne Waare ayaa shaaciyey in dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan uu Farmaajo wado, isla markaana uu aaminsan yahay in ku dhaqaaqi doono isku dayga cudud militeri.

“Waxaan ka war heynaa in hadda abaabul ciidan lagu jiro, Farmaajo wuxuu u yeerayaa saraakiisha, wuxuuna wadaa in qorshe uu rag ku heyb ah ama qorshihiisa ku qanacsan hoggaanka ciidamada loogu dhiibayo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Sidoo kale Waare wuxuu sheegay in qorshaha Farmaajo ay ku jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii Eritrea ku maqnaa, ciidamo la socda oo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

“Waxay ciidamadaas dalka ka soo gelayaan Doolow, waxay qabanayaan magaalada Bu’aale, waxay fariisimo ka sameysanayaan Baydhaba, ugu dambeyna waxay soo geli doonaan Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare wuxuu shaki badan ka muujiyey inuu jiro xiriir u dhaxeeya Farmaajo iyo Al-Shabaab, isagoo su’aal geliyey suurta galnimada in xiligaan ay macquul tahay xoreynta Bu’aale oo ah xudunta Al-Shabaab.

“Siyaasadda amniga ee Farmaajo laba tiir ayey ku taagan tahay, kan koowaad waa in maamul goboleedyada lala diriro oo Itoobiya la garabsado, iyadoo wixii ay dalbato la siinayo, tiirka labaadna waa in Shabaab is-faham lala yeesho oo dalka loo qeybiyo meel Shabaab xukumo iyo meel dowladdu xukunto, cid kalena aan xukunka loo ogolaan,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu khatar iyo xaalad adag uu ku sugan yahay, waxyaabo badana uu ogaaday markii uu habeeno ka hor jeediyey hadalo xasaasi ah.

“Rooble tacadi badan ayuu ku sugan yahay, hadalkiisii waxaa iiga baxay doorasho la qabto iyo cadaalad la raadiyo iska dhaafe isagu amnigiisa inuu halis ku jiro, oo wuxuu iila ekaa nin meel banaan ah taagan oo waraabayaal badan ay ku wareegsan yihiin, garabna aan heysan,” ayuu yiri.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyey in gacanta Rooble aysan maanta ku jirin awood ciidan iyo mid amni oo sababi karta in dalka ay doorasho ka dhacdo.

“Hadana Ra’iisul wasaaraha iyadoo aan ognahay qatarta iyo tacadiga heysta, rajo aan asaga aheyn malihin, sababtoo ah hadii maanta uu Rooble meesha ka baxo, kooxda Farmaajo sidii ay rabeen ayey wax noqonayaan,” ayuu yiri Waare oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Waare ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u soo jeediyey inuu is adkeeyo oo abuuro xaalad ay ku xoroobi karaan xildhibaanada la heystayaasha ah ee caga-jugleynta lagu hayo, kuwaas oo qaarkood siyaasadda ku cusub.

“Xitaa waa in xildhibaanadaas dhaqaale loo raadiyo iyo mushaarkooda loo bilaabo, si duruufaha heysta aan looga faa’iideysan,” ayuu ku taliyey Waare.

Hoos ka daawo wareysiga

The post Waare oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo madaxweyne Farmaajo ‘uu diyaarinayo’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this