Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa loo joojiyay hannaanka gaarka ah ee Somaliland lacagta ku heli jirtay se muxuu ahaa hanaankaasi?

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Siilaanyo iyo Xasan Sheekh
Qoraalka sawirka,Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa 2013 ku heshiiyay inay iska kaashadaan arrimaha horumarinta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lacag dhan 11.7 milyan oo dollar ay u dirto Hargeysa si loogu taakuleeyo dadka ku xoolo beelay dabkii baabi’yay suuqa Waaheen.

Lacagtaas ayaa qeyb ka ahayd dhaqaalo ay Somaliland ka heli jirtay deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya, balse laga hakiyay bilowgii 2017.

Qaabka ay dhaqaalahaas ku heli jirtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray hannaanka gaarka ah ee Somaliland, waxaana uu socday sanadihii 2013 ilaa 2016.

Haddaba muxuu ahaa hannaankaas?

Ujeedka ugu weyn ee laga lahaa hannaanka gaarka ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in la joogteeyo horumarka ay gaartay tobanaankii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo markaa kala hogaaminayay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa kulan ay Ankara ku yeesheen bishii April 2013 ku heshiiyay in labada dhinac ay iska kaashadaan arrimaha horumarinta.

Heshiiskaas ayaa asaas u ahaa in Somaliland loo sameeyo hannaan u gaar ah oo ay dhaqaalaha uga hesho hay’adaha caalamiga ah, si loo kobciyo kaabayaasha horumarka.

Qodobada hannaanka gaarka ah ee Somaliland ayaa waxaa kamid ahaa:

Siyaasadda

In la xoojiyo xasilloonida siyaasadda ee Somaliland, gaar ahaan hannaanka dimuqraadiga ah ee ay ku dhisan tahay. Waxaa qodobkan ku hoos xusnaa in Somaliland laga taageero dhinaca doorashooyinka iyo horumarinta xisbiyada siyaasadeed, awood siinta golayaasha sharci dejinta, si ay ula xisaabtamaan xukuumadda iyo saxaafad madax bannaan.

Amniga

Xoojinta iyo tayaynta laamaha amniga ee Somaliland, gaar ahaan booliska iyo ciidanka ilaalada badaha, si ay uga hortagaan falal dambiyeedka dhaca. In la xoojiyo hannaanka ay xogaha ku wadaagaan qeybaha kala duwan ee laamaha amniga.

Dhaqaalaha

In Somaliland laga caawiyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, dekadaha, suuqyada, iyo keydka biyaha. In la horumariyo hannaanka maalgashiga Somaliland, gaar ahaan warshadaha wax soo saarka leh. In la horumariyo baayac mushtarka dadka Somaliland.

Waxyaabaha kale ee hannaanka ku jira ayaa waxaa kamid ah in Somaliland laga taageero samaynta hannaan lagu xaqiijiyo hufnaanta iyo sugidda isticmaalka kharashaadka ku baxa laamaha kala duwan ee dowladda.

Maxaa loo joojiyay hannaanka gaarka ah ee Somaliland?

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in dowladda federaalka ay diidday in la cusbooneysiiyo hannaanka gaarka ah oo ku ekaa dabayaaqadii 2016.

Doodda Muqdisho ayaa ahayd in dhaqaalaha lagu taageero Soomaaliya ay si toos ah u soo maraan dowladda Federaalka.

“Haddii maamullada ama deegaannada qaar loo sameeyo hannaan gaar ah, waxaa taa ay horseedi kartaa in dhinacyada kale ay dalban karaan in loo sameeyo qaabkaas oo kale, taasina ay wax u dhimi karto sinnaanta dhaqaalaha ee dalka,” ayaa lagu sheegay warqad uu wasiirka qorsheynta, Jamal Maxamed Xasan u diray deeq-bixiyayaasha caalamiga ah.

Somaliland ayaa dhankeeda ka biyo diiday in dhaqaalaha gargaarka ah loo soo mariyo Muqdisho, waxaana tan iyo waagaa xayirnaa lacagaha loogu talagalay hannaanka gaarka ah.

Xildhibaan Guruje

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Aan qaadanno…. Mayee aan diidno

Tan iyo markii uu shalay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaaciyay in lacag dhan 11.7 milyan oo dollar uu u fasaxay gurmadka dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee Hargeysa, ayaa waxa ay dood ka dhex billaabatay shacabka iyo xitaa qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland.

Qaar ayaa ku doodaya in aanay u baahnayn lacag u timid Muqdisho, oo markii hore laga xayiray shacabkooda xilli ay u baahnaayeen.

Qeybta kale ayaa sheegaysa in gurmadka uu cid kasta uga iman karo, isla markaana ay soo dhaweynayaan. Waxaa kamid ah xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruje oo kamid ah golaha wakiillada ee Somaliland.

“Cid kasta oo maanta umadaa u soo gurmata waa in gacan fiyow lagaga gudoomo. Maanta ma dooneyno hebel waxba nooma keeni karo iyo hebel ma arki karno…. Wixii na soo gaara yaan la siyaasadeynin,” ayuu yiri xildhibaankan laga soo doortay magaalada Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this