Sign in to follow this  
Deeq A.

Premier Bank oo qiime dhimistii ugu weynayd u sameysay qaadashada Mastercard 

Recommended Posts

Deeq A.   

Premier Bank ayaa shaaciyay qiime dhimis loo sameeyay macaamiisha cusub ee qaadaneysa Mastercard-ka Premier Bank inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha ciidda. 

Qiime dhimista ayaa gaareysa 70%, taas oo ka dhigan in $3 (Saddex Doollar) oo kaliya ay macaamiishu ku heli karaan Mastercard. Waxa ay noqoneysaa qiime dhisimtii ugu badnayd ee Mastercard looga sameeyo geyiga Soomaalida.

Bangiga ayaa soo kordhinaya goobo dheeraad ah oo ay dadku ka qaadan karaan Mastercard-ka muddada ay qiime dhimistu socoto sida goobaha ay dadku isugu yimaadaan, si loo fududeeyo helista kaararka, iyada oo sidoo kale macaamiishu kaararka ka qaadan karaan xarumaha bangiga ee dhammaan dalka. 

Muddada helista kaarka Mastercard-ka ayaa dhammaan loo rogay nidaam degdeg ah oo loogu magac daray “Dalbo oo horay u qaado”, taas oo macaamiisha u suurtagelineysa in muddo ka yar 30 daqiiqo ay ku helaan Mastercard. 

Madaxa xiriirka bulshada Premier Bank Axmed Nuur Maxamed ayaa sheegay in muhiimmadda ugu weyn ee bangigu qiime dhimista ka leeyahay ay tahay sare u qaadidda heerka dhaqaale iyo nololeed ee bulshada. “Waxaan qorsheynay In aan kor u qaadno heerka nolosha bulshadeena oo ay si lamid ah dunida kale u helaan adeegyada casriga ah ee fududeynaya nolosha” ayuu yiri. 

Adeegsiga Mastercard-ka ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay qeyb weyn ka qaatay sare u qaadidda dhaqaalaha iyo fududeyta nolosha bulshada isaga oo fududeeyay in lacagaha kaashka ah lagala bixi karo ATM yada gudaha iyo dibadda, Interent-ka wax looga iibsan karo isla markaana lagu dukaameysa karo, kharashaadka khidmadahaa lagu bixi karo. Waxa uu dalka ku xiray dunida inteeda kale.

DHAMMAAD

Mastercard

Mastercard, waa shirkad teknoolajiyadeed oo kamid ah nidaamka caalamiga ah ee lacag bixinta. Waxay howlgelisaa hab-raaca shabakadda lacag-bixinta ugu degdegta badan dunida ee isku xirta macaamiisha, hay’adaha maaliyadda, ganacsiyada, dowladaha iyo ganacsatada in ka badan 210 dowladood iyo gobol. Xalalka iyo adeegyada Mastercard waxay howlaha ganacsiga maalinlaha ah sida; dukaameysiga, safarka socodsiita ganacsiga iyo maamulidda dhaqaalaha ka dhigtaa mid fudud, aamin ah, kuna haboon qof walba. Faahfaahin dheeraad ah  waxaad ka heleysaa adiga oo booqda: www.mastercard.com ama Twitter-ka kala socda @MastercardMEA.

Premier Bank

Premier Bank waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay isla markaana shareecada Islaamku asal u tahay dhammaan adeegyada uu bixiyo. Waxa uu shati ka heysta  bangiga dhexe ee dalku oo u sharciyeeyay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed iyo mid Bangi. Bangigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka. Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa kamid ah adeegyada bangi ee Shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, Mobeelka iyo Internet-ka, Mashiinada ATM-ka, Lacag dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, Wakiil bangiyeedka Iyo dirista lacagaha heer caalmi.

Faahfaahin Dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga bangiga www.premierbank.so ama xisaabta Twitterka @premierbankso

The post Premier Bank oo qiime dhimistii ugu weynayd u sameysay qaadashada Mastercard  appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this