Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada oo la shaaciyey + tirada guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa korortay tirada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka ee qaatay shahaadada, ayada oo gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah, taasi oo rejo wanaag ka muujinaysa dhaqan-galka jadwalka lagu dhaarinayo 14-ka April, soona dhoweyneysa dhammaadka doorashada daba-dheeraatay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaciyay in maanta ay shahaadada xildhibaanimo qaateen illaa 18 mudane, kuwaasi oo kamid xildhibaanada dhawaan lasoo doortay.

“Waxaan ku u mahadcelinayaa Xildhibaanadii Labada Aqal ee Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay nala ilaaliyey waqtiga, waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada, yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga FEIT.

Sidoo kale waxaa shalay qaatay shahaadada 58 xildhibaan, ayada oo daraad ay sidoo kale qaateen 54 mudane, taasi oo ka dhigaysa in saddexdii maalmood ee u horeysay la siiyay shahaadada 130 Xildhibaan oo kamid ah 329 mudane ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shahaado qaadashada ayaa waxaa sii xoojisay ayada oo xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed ay jebiyeen isbaaradii uu Cabdicasiis Lafta-gareen doonayey inuu u dhigto shahaado siinta xildhibaanada, isaga oo ka careysan saddex kursi oo doorashadooda dib loogu celiyey.

Sidoo kale waxaa iska diiday amarkii maamulka HirShabeelle xildhibaano badan oo deegaankaas laga soo doortay kuwaas oo qaatay shahaadada, waxaana xigay kuwa kale oo isla deegaankaas ka yimid oo iyagana shahaadada la siiyey.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanada maanta shahaadada qaatay:

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06
2. Hassan Idow Mohamed AS#22
3. Nor Mohamed Gedi AS#18
4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
7 Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
9. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
10. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
11. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
12. Fardowsa Osman Egal HOP#232
13. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS54
14. Deqo Hassan Hussein AS#43
15. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
16. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
17. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
18.Hirsi Jama Ganni GSH#223

The post Tirada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada oo la shaaciyey + tirada guud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this