Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo farriin culus kutlada xildhibaanada NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe horeyna usoo noqday agaasimihii hey’adda Nabad-Sugidda ayaa diray farriin culus kadib markii uu maanta qaatay shahaadada xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga.

Xildhibaan Sanbaloolshe wuxuu si gaar ah ula hadlay saraakiisha NISA ee kamid noqday Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu qaatay shahaadada kuna faraxsan yahay, isaga oo ugu baaqay xildhibaannada kale inay shahaadada qaataan.

“NISA taliyaheeda waa qaatay, hal taliye ma lahan  waa taliyeyaal badan yihiin,” ayuu yiri Sanbabaloolshe, asiga oo hadalkiisa sii raacshay “Xildhibaannada nin aan xor aheyn haddii uu qaato shahaadadiisa, hadhow xor uma ahaan doona codkiisa, si xor ah dadkiisa iyo deegaankiisa kuma matali karo.”

Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbabloolshe ayaa fariin u diray saraakiisha ku soo biirtay Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS “Waxaa la rabaa Xildhibaannada  dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowladnimada ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idinku tala galay ee askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin.”

Hadalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aadaya xilli Xildhibaannada qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay weli is-diiwaan galin, qaar ka mid ah Xildhibaannadaas ayaa lagu amray in aysan qaadan shahaadada Xildhibaannimo.

Isku daygan ayaa qeyb ka ah mid lagu sharciyad tirayo guddiga doorashada oo qaabilsan shahaado bixinta, ayada oo la doonayo in taa beddelkeed toos loo mar xogheynta baarlamanka, sababo la xiriira in guddiga oo shahaado u diiday Fahad Yaasiin.

Kursiga Fahad ayaa ku jira mugdi badan, waxaana fashilmay qeyb ka mid ah qorshe ay maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ku qaadici lahaayeen in xildhibaanada ay shahaado ka qaataan guddiga doorashada, kadib markii xubno laga soo doortay maamulladaas shahaado la siiyey.

Haddii xubnaha harsan badankood ay sidoo kale shahaado qaataan, alabaabka kaliya ee u furan Fahad ayaa noqonaya inuu helo xal uu guddiga doorashad uga helo shahaadada xildhibaannimo.  

The post Sanbaloolshe oo farriin culus kutlada xildhibaanada NISA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this