Sign in to follow this  
Deeq A.

HOP#039 Oo Saaka Baladweyne Lagu Dooranayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay odayaasha dhaqanka kursiga HOP#039, kaas oo doorashadiisa maanta lagu qabanayo magaalada Jowhar.
Waxaa saaka oo Isniin ah magaalada Baladweyne ka socoto diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaya kursigaan HOP#039, kaas oo isla maanta lagu dooranayo magaalada Baladweyne.
Kursigaan ayaa waxaa baarlamaankii hore ee 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Maryan Axmed Haarun.
Kursigaan ayaa sidoo kale kamid ah kuraasta ugu dambaysa ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baladaweyne, waxaana keliya dhiman kursiga HOP#135 oo dhawaan ay ka geeriyootay Xil Aamina Maxamed Cabdi.
FPeOe3FXsAAthrX.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this