Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidaad isaga ilaalin karto Gaajada & Oonka marka aad sooman tahay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidaad isaga ilaalin karto Gaajada & Oonka marka aad sooman tahay?

.

Xilli la gudo galay bisha barakeysan ee Ramadaan, muslimiinta ku nool guud ahaan dunida ayaa bilaabay inay soomaan maadama soonka uu kamid yahay tiirarka diinta Islaamka, waxaana qofka soomaan laga doonaya in uu ka fogaado cuntada iyo cabista xilliga maalintii ah.

Inkasta soonka laga helo faa’iidooyin caafimaad, haddana waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay ku adkaato in ay la qabsadaan isbeddelka ku yimi hab-nololeedkooda bishan, ama waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo daal daran maadama uu ka go’ay cabitaankii iyo cuntadii, inkasta dadka qaar ay la qabsadaan soonka, dadka qaar waxay la daalaa dhacayaan xanuunada sida sokorowga iyo dhiig karka.

Waxaan halakn idiin kuugu soo gudbineynaa talooyinka muhiimka ah ay bixiyaan khuburrada caafimaadka si aan u ilaalino caafimaadkeena anaga oo soomaan.

BBC-da, qeybta Carabiga oo la hadashay tiro dad ah ayaa sharraxeysaa waaya-aragnimadooda shakhsi ahaaneed ee laga yaabo inay dad badani ka faa’iidaystaan ​​inay qorsheeyaan sida ay wakhtigooda ugu qaataan bisha Ramadaan, iyo sidoo kale khubarada dhinaca nafaqada si ay u iftiimiyaan hababka ugu waxtarka badan iyo hababka loo maro ilaalinta caafimaadkaaga xilliga soonka.

Cuntooyin kala duwan oo lagu af-furayo
Cuntooyin kala duwan oo lagu af-furayo

Cuntooyinka aad u baahan tahay in aan cunto suxuurta iyo kuwa aadan u baaheyn

Suxuurta ayaa ah waxa uu qofka ku bilaabo maalintiisa soonka, suxuurta ayaa lagu ogaanayaa in uu daal, haraad iyo gaajo dareemayo inta uu sooman yahay iyo in kale.

Faadi Cabbaas oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga nafaqada ayaa ku taliyay in dadka ay raacaan talooyinka soo socda, kuwaas oo uu aaminsan yahay in ay fududeynayaan soonka ka hortaggayaan fuuqbaxa jirka iyo in laga helayo faa’iidooyin caafimaad oo badan.

Cabbaas ayaa BBC-da u sheegay: “Suxuurta waa in qofka uu cabbo biyo badan, cuntada waa in qofka uu bilaabo saxan khudaarta cagaaran ah sida Ansalaato, cuntada waa in aysan ku badneyn milixda iyo saliidda dufanka leh, haddii kale saacado ka dib waxaad u baahan doontaa in biyo badan aad cabtid”

Fadi Cabbaas wuxuu ku takhasusay arrimaha nafaqada
Fadi Cabbaas wuxuu ku takhasusay arrimaha nafaqada

Waxa uu intaa ku daray “Qaadashada cuntooyinka iyo cabitaanka sokorta leh waa muhiim balse waxaa kasii fiican in qofka uu badsado khudaarta biyaha leh, sida qaraha, liinta iyo rumaanka, kadiba qofka uu biyo badan cabbo”.

Laanta adeegga caafimaadka qaran ee Ingiriiska waxay dadka kula talinaysaa inay iska ilaaliyaan shaaha iyo kafeega sababtoo waxaa ku jiraa maaddada caffeine gaar ahaan dad qabo xanuunada ku dhaca kaadi mareenka.

Fuuq baxa jirka wuxuu horseedaa xaalad caafimaad darro ah sida madax xanuun, in dhiigga uu hoos usoo dego, kelyo xanuun iyo cudurro kale.

Waxaa lagula taliyay dadka soomaan inay qaataan cunto isku dheelitiran
Waxaa lagula taliyay dadka soomaan inay qaataan cunto isku dheelitiran

Haddaba, sidee looga hortagi karaa dhibaatadan?

Xilligga af-furka dadka waxay cunaan cuntooyin kala duwan, qofka waxaa laga yaabaa in si xad dhaaf ah uu cuntada u qaato maadaama uu maalintii oo idil uu gaajeysnaa, af-furka kadib waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo calool xanuun, dibiro, caajisnimo, hurdo, dadka qaar, dhibaatadu waxay noqon kartaa mid aad u daran, gaar ahaan dadka qabo dhiig karka ama sonkorta.

Maalmaha ugu horreeya ee soonka ayaa ah kuwa ugu adag “sababtoo jirka wuxuu u baahan yahay tamar” sida uu sheegay Fadi Cabbaas.

Qoys ku sugan dalka Urddun oo af-furayo
Qoys ku sugan dalka Urddun oo af-furayo

Cabbaas wuxuu leeyahay waa in afurka loo qaybiyaa saddex marxaladood isla markaana uu qofka uu kala dhexeeysiiyo saddex daqiiqo.

Waxa uu intaa ku daray “Waxa lagu talinayaa in aad cabto koob biyo ah, lix daqiiqo ka dibna waxa aad bilaabaysaa in aad cunto timirta ama cabitaanka laga sameeyay khudradda, lix daqiiq kadib qofka waa in uu qaato khudradda cagaaran iyo cuntooyinka kale ee leh tamarta iyo Protein-ka”

Dhakhtarka wuxuu ku talinayaa dadka Soomaan marka ay af-furayaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran sida, baradhada, bariiska, baastada, ukunta, digirta ama caanaha.

Inkasta uu jirka u baahan yahay biyo badan, qofka soomaan waxaa lagu talinayaa in biyo badan uusan cabbin maadama ay saameyn ku yeelaan karaan kelyahiisa ama mindhicirada, tusaale ahaan qofka waa in uusan cabbin wax ka badan labo koob oo biyo ah kadib af-furka, qofka waa in saacad saacad kadib uu biyaha u cabbaa.

Maxamed Fayed, waa khabiir u dhashay Morocco oo ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta
Maxamed Fayed, waa khabiir u dhashay Morocco oo ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta

Dumarka miyaa ragga uga adkeysi badan soonka?

BBC-da waxay wareysatay Saciid iyo Cismaan oo ah labo wiil oo walaalo ah oo ku sugan magaalada Xalab ee Suuriya isla markaana ka shaqeeya dhismaha guryaha, waxay ka shekeynayaan sida ay ugu adkeystaan soonka maadaama ay shaqo culus qabtaan.

Siciid waxa uu yiri: “In kasta oo aan aniga ogyahay in aan ballaariyo maskaxdeyda bisha soon, haddana waxaan noqdaa qof ay ka lunto dabeecadda gaar ahaan xilliga duhurka, oo maan xakameeyo hab-dhaqankayga oo aan ku qayliyo shaqaalaha, Si degdeg ah ayaan uga qoomameynayaa taas, waanan ka raali gelinayaa iyaga, Laakiin xaaladdan wax badan ayay igu soo laa laabtay.”

Walaalkii Cismaan waxa uu yiri “Gaajo waan u adkaysan karaa maalmaha ugu horreeya, laakiin toddobaad ka dib, waxaan dareemaa haraad aad u daran, taasna waxay igu keentaa madax-xanuun, waxaanan noqday qof aan dulqaad laheyn laakiin ma xakameyn karo dareenkayga.”

Dhanka kale, Maxamed Faayid oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta oo ku sugan dalka Marooko ayaa yiri: “Guud ahaan dumarku waxay ragga way kaga awood badan yihiin in ay u adkeystaan ​​soonka, sababtoo ah dufanka ku jira jirka haweeneyda ayaa ka badan tan ku jirta jirka ragga iyo ragga oo ka muruqyo waaweyn dumarka”.

Sida uu qabo Fayed, waxaa jira sababo cilmiyeed oo arrintan ka dambeeya, kuwaas oo ah in ay jiraan hormoonno firfircoon oo ku jira jirka haweenka.

“Hormoonka Estrogen-ku waxa uu ka caawiyaa haweenka in ay gaajada u adkaystaan ​​oo ay niyadda dejistaan ilaa iyo inta suurtogalka ah, taas oo ka caawisa in ay la dagaallamaan shucuurta iyo dareenka walaaca leh halka testosterone ee ragga uu kiciyo dareenka xanaaqa ah, welwelka iyo buuq.”.

Hormoonka Estrogen wuxuu ka caawiyaa dumarka inay ku adkeystaan gaajada
Hormoonka Estrogen wuxuu ka caawiyaa dumarka inay ku adkeystaan gaajada

Haweenka shaqeeya

Ragga ayaa aad ugu dhaq-dhaqaaqa badan dumarka, waxaana sabab u ah mas’uuliyadda ka saaran inay masruufaan qoyska, waxay taas keeneysaa inay lumiyaan tamar badan marka loo barbardhigo dumarka inkasta oo ay jiraan dumar badan oo shaqeeyo oo wajahaya culeyso badan oo uga imaanayo daryeelka carruurta iyo guriga.

Fayed waxa uu aaminsan yahay in nooca cunto ee uu qofku cuno ay saamayn ku yeelato niyadiisa,maadaama dadka aadka u cuna hilibka ay aad uga xanaaq badan yihiin kuwa khudradda cuna.

Waxa uu sheegay in haweeneyda cunta hilib iyo farmaajada la mid ah xaddiga uu cunay qof rag ah inay xanaaqi karto sida ragga.

.

Jimicsiga

Salaadda taraawiixda kuma filna jimicsiga si jirka looga saaro Calorirs-ka xad-dhaafka ah, sida ay dadka qaar aaminsan yihiin, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo jimicsiga qaarkii ee kordhin kara garaaca wadnaha, sida ay ku talisay khabiirka ku takhasustay nafaqa darrada ee ku sugan London, Aison Kfang.

Aison Kfang wuxuu kula talisay qofka soomaan in uu jimicsi sameyn karo saddex saacadood kadib marka uu af-furo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this