Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix qodob oo laga soo saaray is-mari waaga ka taagan doorashada Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban lix qodob, waxayna Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyeen inuu ku eegtay dulmi ay sheegeen inuu ku hayo maamulka Jubaland.

Waxay lixdaas qodob ku soo koobeen walaacooda ka dhashay daahitaanka iyo hubanti la’aanta doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

“Shacabka gobolka Gedo waxay si durugsan oo taxadar leh isha ugu hayaan tallaabooyinka uu qaadayo R/Wasaare Rooble, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkaan.

Sidoo kale kulamo ay yeesheen odayaasha dhaqanka Gedo waxay isku raaceen in maamulka Axmed Madoobe uusan dooneyn in doorasho ka dhacdo Garbahaarey, sida lagu sheegay bayaankaan.

Reer Gedo waxay sidoo kale bayaankaan ku cadeeyeen inay aqbaleen heshiisyadii laga gaaray doorashada, iyagoo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Guddiyada doorashada ayey ugu baaqeen inay qaataan masuuliyada doorashada Garbahaarey, iyagoo ku qabanaya si waafaqsan heshiisyada doorashada.

“Dhaqanka gobolka Gedo wuxuu ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadda ku eegtay tacadiyada uu ku haayo Axmed Madoobe inuu qaato kaalintiisa hoggaamineed ee kaga aadan doorashada, anaguna waxaan diyaar u nahay in Rooble aan ku garab siino dadaaladaas,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in doorashada gobolka Gedo ay Rooble ku tahay tijaabo taariikhi ah oo si gaar ah u taabaneysa masuuliyadiisa iyo cadaaladiisa.

“Odayaasha dhaqanka Gedo waxay ka codsanayaan cid kasta oo daneysa arrinta gobolka, siyaasiyiinta iyo maamulka inay isugu yimadaan shir deg deg ah, si looga tashado aayahooda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan ka soo baxay waxgaradka gobolka Gedo.

Hoos ka daawo

The post Lix qodob oo laga soo saaray is-mari waaga ka taagan doorashada Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this