Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Muuse Biixi & M/weyne Farmaajo oo Teleefon ku wada-hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weyne Muuse Biixi & M/weyne Farmaajo oo Teleefon ku wada-hadlay

 mb-1.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefonka kula xidhiidhay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia 

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan. 

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”   

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa. 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan. 

 farmajo.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this