Deeq A. Posted April 1, 2022 Muqdisho (Wararka PP) — Qaraarka 2628 (2022) oo uu shalay Golaha Amaanku si wadajir ah u oggolaaday ayaa beddelaya magaca ciidanka nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM. Magaca cusub marka la soo gaabiyo waa AUTM. Qaraarku wuxuu dhigayaa in ciidan Afrikaan oo tiradiisu tahay 19,626 la keenayo Soomaaliya. Dowladda Federaalku waa soo dhaweysay isbeddelka ku dhici doona ciidanka nabad-ilaalinta Afrikaanka ah oo ku sugan Soomaaliya. Sida la sheegay cidda qortay qaraarka ayaa diidday dhammaan talooyinkii ay dowladda federaalku soo jeedisay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan M. Siciid Samantar ayaa qaraarka Golaha Amaanka ku tilmaamay mid jebinaya heshiisyadii ay kala saxiixdeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ka gaareen tilmaamihii dowladda federaalku ka bixisay isbeddelka howlgallada AMISOM. © Puntland Post, 2022 The post 19,626 oo Ciidammo Afrikaan ah ayaa Soomaaliya la keenayaa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites