Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DANAB oo fuliyey howlgalo lagu burburiyey Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka 5-aad Guutada 16aad ee ciidamada Kumaandooka Soomaaliyeed ee DANAB oo garab ka helayo ciidanka nabadsuida maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka fuliyey howlgalo wadajir ah deegaano dhaca Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaan oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey ayaa waxay ciidamada huwanta ah ka sameeyeen deegaanada buurqaylo, warta bilow, maduulow, Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay saraakiil ka tirsan kuwa howlgalka qaaday u sheegeen Caasimadda Online, howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyey Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab kuwaas oo ay sheegeen in lagu dhibaateyn jiray dadka Shacabka ah.

Saraakiisha la hadashay Caasimadda Online ayaa sidoo kale sheegay inuu howlgalkaan socon doono inta kooxda Al-Shabaab laga sifeynayo guud ahaan deegaanada Gobolka Jubbada Hoose.’

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood ciidan oo xoog leh ku leh Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobolada kale ee maamul Goboleedka Jubbaland, waxayna dhowr jeer weeraro kusoo qaadeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo uu Mareykanka taageero ayaa marwalba howlgallo kala duwan ka fuliya degaano kuyaalla Gobolada dalka halka mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

The post Ciidamada DANAB oo fuliyey howlgalo lagu burburiyey Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this