Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal), kaas oo muddo dhowr sano ah hayey xilkaasi.

Qoor Qoor ayaa guddoomiyaha cusub inuu noqdo u magacaabay Axmed Xuseen Shire (Bukhaari), sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid markii uu madaxweynuhu arkay ahmiyadda ay leedahay in guddoomiye loo magacaabo Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale faray hay’adaha Galmudugu iyo laamaha ammaanka inay la shaqeeyeen guddoomiyaha la magacaabay, Axmed Bukhaari

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Mudug, si uu uguto waajibaadkiisa shaqo,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale la faray inuu si deg deg ah ula wareego xilka, isla-markaana uu shaqada halkeeda kasii wado.

Galmudug ayaa ka kooban Galmgaduud & Mudug, wuxuuna isbedalkan kusoo aadaya, xilli maamulkaasi ay ka jiraan xaalado isbiirsaday, sida abaaro iyo khilaafaad maamulka ah.

277304957_523538859342226_59920340585047

The post Qoor Qoor oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this