Deeq A. Posted March 29, 2022 Muslimiinta Ukraine oo wadnaha farta ku haya+Sababta Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine waxa uu hubanti la’aan u keenay illaa 4 boqol kun qof oo muslimiin ah oo dalkaasi ku nool, kuwaasoo badankood kasoo jeedda qoowmiyadda Tataarka ee Cremea. Qiyaastii 100 kun qof oo muslimiin ah ayaa lagu qiyaasayaa in ay ku noolyihiin caasimadda Ukraine ee Kyiv, kuwa kalena waxa ay ku noolyihiin magaalooyin ay ka mid tahay Kherson iyo kuwa kale. Muslimiinta kale ee Ukraine ku nool ayaa ah qoowmiyadaha Volga Tataar, Asaris, iyo uzbekhs. Haatan mustaqbalkooda ma ahan mid la hubo, wuxuuna ku xiranyahay hadba xalka laga gaaro dagaalka. Midoowga Bulshada Islaamka ee Talyaaniga ayaa ugu baaqay dadka muslimiinta ah ee Yurub ku nool in ay albaabadooda u furaan muslimiinta Ukraine haddii ay soo qaxaan. Iyaga oo taasi ka jawaabaya ayay muslimiinta Talyaaniga oo kaashanaya ururo Kaatoolig ah ayay bilaabeen hawlo ay ku gurayaan raashiin, daawo iyo waxyaabo kale. Balse dowladaha muslimiinta ah dedaalka ay sameeyeen ee muuqda illaa iyo hadda aad buu u yaryahay eek u aaddan samotobixinta muslimiinta Ukraine. Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa dhaleeceeyay duulaanka Ruushka, halka Iran ay dalalka reer Galbeedka ku eedeysay in ay dagaalka sababeen. Markii ciidamada Ruushka ay Ukraine ka gooyeen gobolka Cremea, waxa markiiba biloowday hawlgalo lagu ugaarsanayo muslimiinta Cremea, iyada oo la sheegay in ay qaxeen muslimiin illaa 750,000 oo muslimiin ah, kuwaas oo u guurey Kyiv iyo Kherson iyo magaalooyinka kale ee Ukraine. Isla ciidamadii ay kasoo qaxeen ayaa haatan u muuqda in ay uga dabo tageen Ukraine. Waxa ay hadda ka baqayaan in loola dhaqmo sidii loola dhaqmay sanadki 2014-kii. Dadkan Tataarka oo inta badan ku hadla afka Turkiga iyo kuwa aanan Turki asal ku lahaynba ayaa Bariga Yurub degay qarnigii 7-aad. Muslimiinta waxa ay qarnigii 15-aad asaaseen maamulka Khanate ee koonfurta Ukraine, balse waxaa la wareegay dowladdii Cusmaaniyiinta. Markii dambane waxa ay ku darsameen Ruushka oo ku gacan sareeyay dagaalkii Cusmaaniyiinta uu la galay. Sanadkii 1944-tii ayaa muslimiin badan laga tarxiilay Cremea, xiligaasina waxa ay ahayd markii uu talinayay Joseph Stalin, iyada oo muslimiinta lagu eedeeyay in ay la shaqaynayay Naasiyiintii Jarmalka. Markii Midoowgii Sofiyeetka burburay, muslimiin badan ayaa kusoo laabtay Cremea, balse waxaa ku adkaatay in ay guryo iibsadaan. Xaaladda Muslimiinta Ukraine ayaa kasoo reyneysay tan iyo sanadkii 1991-dii, iyaga oo dhistay masaajiddo, ururo muslimiin ah iyo adeegyo kale oo ummad ahaan iyaga anfacaya. Balse haatan oo uu dagaal socdo, bishii Ramadhaana ay foodda soo tahay, waxaa aad u kordhay welwelka ay ka qabaan badqabkooda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites