Deeq A. Posted March 29, 2022 Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalida weli ku xannibnaa waddanka Ukraine. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 348 muwaadin oo Soomaaliyeed laga soo badbaadiyay colaadda ka jirta dalkaas Ukraine. Qoraalka ayaa lagu sheegay in 65 arday oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka qaxay colaadda Ukraine loo fududeeyay in ay iska diiwaan-geliyaan jaamacadaha dalka Hungary si ay waxbarashadooda u sii watan. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post 348 Soomaali ah oo laga badbaadiyay colaadda dalka Ukraine appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites