Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo xildhibaan noqday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1648468382658.jpg?resize=721%2C48

Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#058 ee Galaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa wareegii koowaad ee doorashada Beledweyne helay 54 cod, taas oo ka dhigan in uu cod hal dheeri ah ku soo baxay.

Sanbaloolshe ayaa ka guuleystay 7 musharax oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Osoble oo helay 28 cod.

FB_IMG_1648468390475.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa qaabilay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe markii loo doortay xildhibaanka

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaan Sanbaloolshe guusha uu maanta gaaray, waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Sanbaloolshe oo xildhibaan noqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this