Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Qadar

Recommended Posts

Deeq A.   
1-21.jpg?resize=1000%2C856&ssl=1

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar Mudane Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey isaga iyo wafdigiisa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay Soomaaliya.

 Dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka ee Qatar Mudane Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa tilmaamay sida ay dalkiisa uga go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada Shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Qadar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this