Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Sanbaloolshe oo loolan adag wajahaya – Cosbole iyo xubno miisaan culus oo kursiga ku haysta

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Loolan adag ayuu wajahayaa kursiga HOP#058 ee beesha Cali-Madaxweyne – Xawaadle, kaas oo doorashadiisa berri lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Todoba musharax oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha galabta ilaa caawa la siiyey shahaadada musharaxnimada kursigaas.

Nuur Iidow Beyle oo horay ugu fadhiyey kursigaan ayaa xalay shaaciyey inuu ka haray tartanka, kadib markii la soo saaray liiska guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursigaas.

Tartanka kursigaan oo ah mid furan ayaa xiiso gaar ah u yeelaya doorashadiisa, iyadoo musharaxiinta u taagan intooda badana ay yihiin rag miisaan ku leh siyaasadda.

Todobada xubnood ee shahaadooyinka musharaxnimada kursigaas la gudoonsiiyey ayaa kala ah:

1– Cali Cabdullahi Cusoble, Madaxweynihii hore ee HirShabeelle
2– Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA
3– Eng. Yoonis Maxamed Nuur
4– Cabdulqaadir Xuseen Colow
5– Cabdullahi Axmed Xuseen
6– Ubax Cali Sheegow
7– Maxamuud Afdhuub Makaraan

Kursigaan waxaa sanadkii 2016-kii ku soo baxay Cabdullahi Sanbaloolshe oo iska casilay bilo kadib, markii Farmaajo u magacaabay Taliyaha NISA, xilligaasna waxaa qaatay Nuur Iidow Beyle oo hadda tartanka ka haray.

HOP#058 wuxuu ka mid yahay kuraasta ugu loolanka adag ee Beledweyne taalla, waxaana soo xirantay xodxodashadii xubnaha qaar ay ku hayeen hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo ku adkeystay in kursigaas aan qof gaar ah loo xiri doonin oo tartankiisa uu yahay mid furan.

277220163_4904610779594414_8143087097167 277220789_4904610946261064_7773040326025 277222678_4904610772927748_5100742836946 277223211_4904611026261056_5821773977390 277225311_4904610876261071_5233970369872

The post Sawiro: Sanbaloolshe oo loolan adag wajahaya – Cosbole iyo xubno miisaan culus oo kursiga ku haysta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this