Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Dhaliyey oo Muqdisho Ka Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka wadada General Daa’uud uu kaga yaallo Masaajid Al-raxma, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad sida uu u dhacay.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhex qarxay gaar Saruf oo yallay meel aan ka fogeyn masjirdka, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamada dabdamiska gobolka oo baqtiiyey dabkii ka kacay.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuusan sababain wax geeri nafeed ah, wallow ay jiraan dhaawacyada dad shacab ah goobta marayey, markii gaarigu qarxay,waxaana goobta xiray ciidamada amniga oo durba gaaray.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this