Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay taliyeyaasha ciidamada?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1648312160329.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda warbixinno ku saabsan weerardii toddobaadkii hore ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa faray madaxda amniga in ay kordhiyaan howl-galladooda amniga, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha” ayuu qoraal ku yiri Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay taliyeyaasha ciidamada? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this