Deeq A. Posted March 26, 2022 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii safarka ugu maqnaa waddanka Maraykanka, ayaa maanta soo dhaweyn loogu sameeyey Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo maanta kasoo degay madaarka Cigaal International Airport, ayaa waxa halkaas kaga hortegay madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo taliyeyayaasha kala duwan ee ciidamada. Intaas kaddib, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu goob fagaare ah oo ku taalla afaafka garoonka Cigaal International Airport ku qaabilay kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa daafaheeda kala duwan ku dhaqan oo ku lebbisan calanka Somaliland. Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu u gudbay gudaha qasriga madaxtooyada, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo xisbiga KULMIYE iyo bulshada rayidka ahba katirsan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo dib ugu laabtay Hargeysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites