Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar kaarto oo ay sameeyeen ciidamada Ukraine si ay uga adkaadaan Ciidamada Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar kaarto oo ay sameeyeen ciidamada Ukraine si ay uga adkaadaan Ciidamada Ruushka

Askari u dhashay Ukraine oo ku sugnaa Makariv
Askari u dhashay Ukraine oo ku sugnaa Makariv

Iyada oo muddo bil ah uu kasoo wareegay duulaanka Ruushka, Ukraine waxay muujisay dhabar adeyg, waa laga badnaa marka ay timaaddo taangiyada dagaalka, tirada ciidanka iyo diyaardaha dagaalka- Ukraine waxaa caawiyay dadkeeda si mutadacnimada ah dagaalka uga qeybgalayay, waxay meelo badan kula dagaallameen ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ruushka waxaa laga qabsaday dhulka koonfurta ee ku xeeran Crimea, oo ay hore u qabsadeen oo ay la wareegeen Ruushku 2014. Laakiin Moscow ujeeddadeedii hore ee ahayd in ay si degdeg ah u qabsato caasimadda Kyiv ayay ku fashilantay.

Qaar badan oo ka mid ah ciidamada joogtada ah ee Ukraine ee ku sugan bariga dalka ayaa halis ugu jira in la hareereeyo ama in la baabi’iyo. Iyo iyada oo rubuc ka mid ah dadkii waddankaas ay ka carareen guryahoodii, kuwa joogey waxay la kulmayaan madaafiicda iyo gantaallada aan joogsiga lahayn ee Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo ay jiraan arrimahan, ciidamada Ukraine ayaa kaga gacan sarreeya kuwa Ruushka dagaalkan marka loo eego siyaabo kala duwan. Todobaadkan af hayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa ku amaanay sida ay u difaacayaan qaybo ka mid ah dalkooda “si aad u caqli badan, aad u xishood badan, aad u hal abuur leh”. Haddaba maxay ahaayeen siraha guushooda?

1. Waa ciidamo si aad ah u dhiiran oo niyad haya

Dadka isa soo xilqaamay ee ka qeybgalaya dagaalka Ukraine
Dadka isa soo xilqaamay ee ka qeybgalaya dagaalka Ukraine

Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya niyadda labada ciidan. Ukrainiyiintu waxay u halgamayaan sidii ay dalkooda ay u xoreyn lahaayeen una xaqiijin lahaayeen madax-bannaanidiisa, iyagoo ka naxay khudbadii madaxweyne Putin ee dagaalkii ka hor ee uu ku sheegay in Ukraine asal ahaan ay tahay dal uu Ruushka abuuray oo macmal ah.

Shacabka Ukraine waxay garab taagan yihiin dowladdooda iyo madaxweynahooda, waxay tani horseeday in dadk aan horey u laheyn khibrad militeri inay qaatan qoryaha si ay dalkooda u difaacaan inkasta ay wajahayaan dalka Ruushka oo heysto hub xooggan.

“Tani waa sida ay dadku ugu dagaallamaan jiritaankooda,” ayuu yiri Brigadier Tom Foulkes, oo 35 sano sarkaal ka ahaa ciidamada Ingiriiska ee Jarmalka xilligii dagaalkii qaboobaa. “Waa qaabka ay u difaacaan dalkooda hooyo iyo qoysaskooda, geesinimadoodu waa mid naxdin leh oo cajiib ah”

Ficil ahaan tani waxay horseeday in askarta Yukreeniyiinta ay ka dagaalamaan jiidda hore, iyagoo og in magaalooyinkoodu ay leeyihiin difaac qoto dheer.

Dhinaca kale, askarta Ruushka ee loo diray Ukraine waxay ahaayeen kuwa markaa uuna kasoo qalinjebiyay xeryaha ciidamada, waxay ahaayeen kuwa ku dhex jahwareersan furriimaha dagaalka iyagoo u maleynayay in dhoolatus militeri ay kusoo sameynayeen halkaas.

Inta badan ciidamadan isku aanay soo diyaarin dagaalka, sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in qaarkood ay cunto la’aan noqdeen halka qaarkood ay wax boobeen.

2. Taliska iyo sida loo maamulay ciidanka

Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo isbitaal ku booqanayay askari dhawaac ahaa
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo isbitaal ku booqanayay askari dhawaac ahaa

Waxaa aanan hirgelin waxyaabihii laga cabsi qabay ee ahaa in weerar dhanka Internet-ka uu Ruushka ku qaado isgaarsiinta Ukraine, taa baddalkeed, Ukraine waxay si uun u maareysay inay ilaaliso isuduwidda wax ku oolka ah ee dhowr goobood oo dagaal ah.

Dowladda Ukraine waxay ku ekaatay Kyiv, waxay dowladda noqotay mid fiiro gaar ah leh, waxaa la arkayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine oo ku labisan funaanad xilli ay shacabka kala hadleysay midnimada iyo aysan meesha ka bixin astaamihii dowladda.

Ciidamada Ruushka uma muuqdaan inay leeyihiin hoggaan ay ka mideysan yihiin iyada oo ay yar tahay isku-dubbarid ka dhexeeya goobahooda dagaalka.

Waxay arrintani niyad jab ku riday militeriga Ruushka, waxaana la sheegay in arrintani ay qeyb ka aheyd geerida ku timid ugu yaraan 5 janaraal oo Ruush ah.

Prof Michael Clarke, oo ah khabiir dhanka ciidamada ah oo ka tirsan King’s College London, ayaa sheegay in saraakiisha NCO-yada Ruushka ay hareeyeen musuq-maasuq iyo wax-qabad la’aan ayna si weyn u jecleysan kuwa ay amar ku bixiyaan.

3. Xeelado militeri oo u gaar ah

Labo kamid ah ciidamada ukraine oo heysta gantaalka Javelin
Labo kamid ah ciidamada ukraine oo heysta gantaalka Javelin

Tirada ciidamada Ukriane ayaa ah kuwo aad u yar marka loo barbardhigo kuwa Ruushka, waxay horumaro kasoo hoyiyeen dagaalka.

Halka ciidamada Ruushka ay si gaabis ah ku socdeen iyagoo sita baabuurta gaashaaman ee dagaalka, waxaana la arkayay iyagoo iska buuxiyay gawaarida dagaalka, Yukreeniyiintu waxay si guul leh u fuliyeen weerarro-ku-dhufasho-oo ka dhaqaaq ah oo si fiican loo soo qorsheeyay, iyaga si dhuumaaleysi ah ku ridaya gantaalaha lidka taangiyada kadiba wey cararaan ka hor inta aysan rasaas kusoo furin ciidamada Ruushka.

Kahor duulaanka, tababarayaal ka socda gaashaanbuurta Nato oo ka kala socday Mareykanka, UK iyo Canada ayaa muddo dheer ku sugnaa dalka Ukraine, iyaga oo dardar gelinayay ciidamadooda difaaca, waxaana ay ku baraarujiyeen sida ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo hababka casriga ah ee gantaalada sida Javelin-ka ama hubka lidka taangiyada ee NLAW-na ee lagu soo sameeyay Sweden, ama noocii ugu dambeeyay ee gantaalka lidka diyaaradaha ee Stinger.

“Ukrainiyiintu aad bay uga caqli badan yihiin Ruushka”, ayuu yiri Prof Clarke, “sababtoo ah waxay la dagaallameen wax aad uga dhow hawlgal hub oo la isku daray oo Ruushku aanu samayn”. Taas oo uu ula jeedo inay si buuxda u isticmaaleen dhammaan agabkii ciidan ee ay gacanta ku hayeen, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiicda, ciidamada lugta, taangiyada iyo dagaalka elektaroonigga ah.

.

Istiraatiijiyadda kale ee militari, Justin Crump, oo shirkadda Sibylline kala taliyaha arrimaha sirdoonka ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ay si gaar ah ugu xeeldheer yihiin raadinta meelaha nugul ee qaababka Ruushka oo ay si adag u garaacaan. “Ukraine waxa ay adeegsatay xeelado wax ku ool ah”, ayuu yiri, oo ay ku jiraan beegsiga meelaha daciifka ah ee Ruushka sida kolonyada saadka, iyada oo la adeegsanayo hababka hubka ee Nato ay siisay iyo inay saamayn ku yeelato bartilmaameedyada saxda ah iyo hagaajinta halka loo baahdo.

 

In kasta oo ay adag tahay in la helo sawir sax ah oo ku saabsan tirooyinka khasaaraha, Pentagon-ka wuxuu sheegay in Ruushka ay dagaalka uga dhimatay in ka badan 7,000 oo askari, tiradaas waxay ku dhowdahay kala bar tiradii midowgii Soviet uga dhimatay dagaalkii Afghanistan ee tobanka sano socday.

Brig Tom Foulkes waxa kale uu sharraxaad ka bixinayaa sababta jeneraallo badan oo Ruush ah loogu dilayo jiidda hore ee dagaalka: “Tani waxay iila muuqataa ololaha toogashada hubka ah ee lagu burburinayo taliska Ruushka”

4. Xogta dagaalka

Madaxweyne Zelensky wuxuu ka hadlay shirar caalami ah iyo baarlamaanada dalalka dibadda
Madaxweyne Zelensky wuxuu ka hadlay shirar caalami ah iyo baarlamaanada dalalka dibadda

Wararka la xiriira dagaalka, Ukraine ayaa u muuqataa inay ku gacan sarreyso warbaahinta caalamka- inkasta uusan taasi heysan Ruushka halkaas oo Kremlin-ka uu wali gacanta ku hayo warbaahinta.

“Ukraine waxay sare u qaaday dhinaca macluumaadka si ay faa’iido weyn oo gudaha ah iyo mid caalami ah u hesho”, ayuu yidhi Justin Crump. “Tani waxay ka timid xagga sare ee hoose, oo uu taageerayo (madaxweyne) Zelensky’s warbaahinta cabsida leh.”

Waa aragti ay ka dhawaajisay Dr Ruth Deyermond, oo bare sare ka ah daraasaadka arrimaha Soviet-ka ee Kings College London. “Sida iska cad dawladda Ukraine waxay si aad ah ugu guulaysatay xakamaynta sheekada ku saabsan dagaalka, dhab ahaantii guud ahaan adduunka,” ayay tiri. “Waxa uu dagaalka sumacad caalami ah u sameeyay Ukraine.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this