Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay wada u galeen kolonyo ay wateen Ciidamada Galmudug.

Koox ka tirsan Ahlu-suna ayaa la soo sheegayaa iney dhexda u galeen laba gaari oo uu watay taliyaha ilaalada madaxtooyada Dhuusamareeb.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay dagaalka halka lix kalena ku dhaawacantay islamarkaana lagu gubay gaari Cabdi-bile ah.

Dhaawacyada askarta ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this