Sign in to follow this  
AYOUB

Kala-kaan - Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-duul)

Recommended Posts

AYOUB   

Kala-kaan - Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-duul)

 

Kurdi iyo Afgaanistaaniyiin, Kuuri iyo Taywaan,

Kaanboojiyiin iyo Hindoo, kuman Jabaaniisa,

Toban Kenediyaaniyo, Dhaj iyo noocyo kala kaana,

Kabiila iyo qoladuu xukumo Koongo gudaheeda,

Kuuriya iyo Kiiniyaan odaya Kaanuu ah,

Kabtoon nimanka dega iyo ilaa Kooban iyo heegan,

Kabajii guruub wada kab-kab ah Kuuba iyo Ruushan,

Kaasa falanga qaar jooga iyo kolanyo reer Shaam ah,

Reer Kolombiyiyo Seerbiyiyo Koosafiyo Saylar,

Kambaliyo Kinshaashiyo kuwii tegayay Kaakuuni,

Kuwa Koofi Anan soo diroo koonka lagu yaacshay,

Darkartuumo lagu keenay iyo kiishash iyo haamo,

Kaargooga qaar uu dhigoo wada kadlaynaaya,

Kabti wile gorayiyo biciid koronkor yaacaysa,

Kalluumaysatiyo doonyaleey kiro lasoo siiyay, kabaala xunta igu ururtay,

Iyo kaba noocaalayda, kun qoloo isgalay oo ka badan kaynta dooga ahe,

Kufri iyo islaam uumiyahan laygu keliyeeyay,

Sow inaan kabriid subax qaban kaafka kuma taalo.

 

------

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this