Sign in to follow this  
Deeq A.

Tuulo yar oo hor joogsatay qorsheyaashii Dagaalka M/weyne Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

Tuulo yar oo hor joogsatay qorsheyaashii Dagaalka M/weyne Putin

Voznesensk defenders

Waxay ka mid ahayd goobaha dagaalka ee ugu muhiimsan ilaa hadda – loollan adag oo labo maalmood socday ayaa loo galay sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada beeraha leh ee Voznesensk iyo buundadeeda muhuumka u ah dagaalka.

Haddii guul laga soo hoyiyo waxay militeriga Ruushka u noqon lahayd waddo u fureysa in ay si xowli ah cagta u mariyaan deegaannada dhinaca galbeed ee ku teedsan xeebta Badda Madow ilaa magaalada weyn ee dekedda leh ee Odesa iyo waliba warshad aad u weyn oo nuclear-ka lagu farsameeyo.

Balse ciidamada Ukraine, oo gacan ka helaya dagaalyahanno maxalli ah oo is xilqaamay, ayaa hor istaagay qorsheyaashii Ruushka. Markii ugu horreysay waxay qarxiyeen buundadii loo soo mari lahaa, kaddibna waxay dib u riixeen ciidamadii Ruushka ee kusoo socday, kuwaasoo ay geeyeen masaafe dhan 100km oo dhinaca bariga ah.

“Way adag tahay in la sharraxo sida aan arrintaas ku sameynay. Waxaa sabab u ah dagaalka geesinnimada leh ee ay sameynayaan dadka deegaanka iyo militeriga Ukraine oo ay ka go’an tahay inay dagaallamaan,” ayuu yidhi duqa magaalada Voznesensk, Yevheni Velichko, oo 32 jir ah. Isaga qudhiisa, oo dharka qafilan ee ciidanka xiran ayaa ku jira dagaalka.

Balse ku dhawaad saddex isbuuc kaddib dagaalkaas, duqa magaalada ayaa ka digay in uu kusoo dhaw yahay weerar kale oo ay ciidamada Ruushka kusoo qaadayaan magaalada, ciidanka difaacayana aysan heysanin hub ku filan oo ay mar labaad ku baacsadaan.

“Meeshan aad bay istiraatiiji u tahay. Waxa aan difaaceyno magaalada kaliya ma aha, balse waxaa kale oo aan difaaceynaa dhulka ka dambeeya, mana haysanno hubka culus ee ay cadawgeennu haystaan,” ayuu yidhi.

Voznesensk's strategically important bridge
Buundada muhiimka ah ee magaalada Voznesensk waxaa loo qarxiyay si aysan u isticmaalin ciidamada Ruushka

Maadaama ay furimo badan oo dagaalka Ukraine ka mid ah Britain u qaybisay gantaallada lidka taangiyada, waxay taas sababtay in jilibka loo dhigto gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Ruushka ay kusoo weerareen magaalada Voznesensk, waxaana halkaas hadda qashin ahaan u yaalla ilaa 30 taangi, gawaarida gaashaaman iyo xitaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

“Taas sababteeda waxaa iska leh oo kaliya hubkaas noo suurtageliyay inaan ka adkaanno cadawgeenna. Waxaana uga mahad celineynaa saaxiibbadeen caawinaadda ay na siiyeen. Balse wax dheeraad ah ayaan u baahan nahay. Kolonyada cadowgu way soo socdaan wali,” ayuu yidhi Mr Velichko.

Map of southern Ukraine.

Muhiimadda dagaal ee ay leedahay magaalada Voznesensk waxay caddaatay durbadiiba kaddib markii ciidamada Ruushka ay ku guul darreysteen in ay qabsadaan buundo taas kasii weyn, oo dhanka koonfureed xigta, taasoo dul marta wabiga ugu weyn Ukraine ee lagu magacaabo Southern Buh.

Maanta, Voznesensk ma aha magaalo reer aakhiraad oo ay si joogto ah uga yeeraan dhawaaqyada digniinta weerarrada xagga cirka. Balse kumannaan qof ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay ka qaxay iyagoo adeegsanaya tareenno ama gawaaridooda ku maraya waddooyinka burburay.

In badan oo ka mid ah dadka go’aansaday in ay joogaan waxay wali u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay ka hadlaan guushooda taariikhiga ah.

Voznesensk's mayor, Yevheni Velichko
Duqa magaalada Voznesensk, Yevheni Velichko, wuxuu u mahad celiyay dadka difaacaya magaaladiisa

“Wuxuu ahaa dadaal wada jir ah oo ay sameysay magaalada oo idil,” ayuu yidhi Alexander, oo ah dukaanle maxalli ah, oo muuqaal iska duubay isagoo furinta dagaalka jooga oo ku hubeysan qori AK47 ah, xilli uu ku qaylinayay “Soo socda gabdhaheyga quruxda badan!” markaasoo qof kale oo dadka is xilqaamay ah uu ridayay gantaal ku wajahnaa goobaha ay joogeen ciidamada Ruushka.

“Waxaan isticmaalnay qoryaha ugaarsiga, dadku waxay tuurayeen dhagaxyada bulukeetiga ah iyo dhalooyin. Dumar waayeel ah ayaa carro ka buuxinayay jawaanno, si dhufeys looga dhigto.

“Ciidamada Ruushku ma aysan garaneynin meel ay iska fiiriyaan in meesha uu uga imaanayo weerarka xiga. Waligay ma arkin bulshada oo sidaas u mideysan,” ayuu yidhi, isagoo taagan meel ka mid ah buundada ay ciidamada Ukraine saacado gudahood ku burburiyeen markii uu billowday weerarka Ruushka.

Voznesensk map

Raadka taangiyada faraha badan ee Ruushka ayaa lagu arkayaa daaradda Svetlana Nikolaevna ee gurigeeda ku yaalla xaafadda Rakove, oo xigta cirifka koonfureed ee magaalada Voznesensk, halkaas oo dagaalka ugu culus uu ka dhacay.

Waxaa goobtaas yaalla faashado dhiig leh iyo kartoomada ay raashinka ku wateen ciidamada Ruushka. Haweeneydan 59 jirka ah waxay farta ku fiiqday mundulka ninkeeda, iyadoo sharraxyesa sida labo askari oo reer Ukraine ah halkaas loogu hayay, markii la dili rabayna ay ku badbaadeen dagaalka soo gaaray goobtaas.

“Fiiri dhiigga ku yaalla albaabkeyga,” ayay tidhi, iyadoo dadka soo booqday ku soo dhaweyneysa mundulkeeda.

Markii ay iyada iyo qoyskeeda aadeen meel gabbaad ah, ciidamada Ruushka ayaa gurigeeda ka dhigtay isbitaal ku meel gaar ah.

“Maalintii labaad ayaan soo noqday si aan xoogaa dhar ah u qaato. Dad dhaawac ah ayaa meel kasta yaallay. Toban ka mid ah, siday ila tahay, ayaan ka dhaqan dhiigga,” ayay tidhi.

Svetlana Nikolaevna
Svetlana Nikolaevna waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay si deg deg ah u baxeen

“Si deg deg ah ayay ku baxeen, hal habeen. Wax walba way ka tageen – kabo buud ah, sharabaaddo, qalabka jirka lagu qafilo, koofiyadaha badbaadada – kaliya waxay gawaarida saarteen meydadkooda iyo dhaawacyadooda, wayna carareen.”

Waxay howsha ku wareegtay agaasimaha aaska ee magaalada, Mykhailo Sokurenko, oo markaas billaabay aruurinta meydadka askarta Ruushka ee laga tagay.

“Uma aqoonsani in ay yihiin bani’aadan [kaddib wixii ay halkan ka sameeyeen]. Balse waa khalad in looga tago bannaankaas, iyagoo meyd ah xitaa waxay wali cabsi gelinayaan dadka deegaanka,” ayuu yidhi.

“Ruushkan waxay ka xanuunsan yihiin madaxa, marka waa inaan heegan ku jirno. Balse guushu way imaan doontaa, ciidamada Ruushkana waan ka saari doonnaa dhulkeenna.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this